Somaliland oo Xoolo Ganacsi u Dhoofisay Dalka Imaaraadka.

0
520

Berbera- (Dawan):-  Xoolo tiradooda  gaadhayso  shan kun oo neef ayaa ganacsi ahaan loogu dhoofiyey dalka Imaaraadka Carabta shalay, sida laga soo xigtay Maareeyaha Maxjarka Xoolaha ee Berbera.

Dr Waleed, oo warbixin kooban ka siiyay Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Marwo Yururb Abiib, oo ku guda jirtay socdaal kormeer ay ku indho indhaynaysay mashaariicda ay wasaaraddu waddo , ayaa sheegay in 5000 oo neef oo Adhi ah  loo dhoofiyay  dalka Imaaraadka.

Dr Waleed wuxuu caddeeyay in xoolahan laga qaaday baadhitaano adag  sheybaadhkooda ka dibna lasiiyay shahaadada caafimaadka ee sharciga ah.

“Waxaan u dhoofiney Imaaraadka 5000 oo neef oo  adhi ah kuwaas oo noqonaya kuwii ugu horreeyay, kuwo badanna  way xigi doonaan,” ayuu yidhi Dr Waleed.

Maxjar casri ah oo hilib lagu qalo ayaa laga dhisey deked si hilib cusub loogu diro Khaliijka taas oo wax weyn ka tari doonta dakhliga adag ee dalka soo gala.

Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay sannadihii ugu dambeeyay dib u soo noolaysay kalsoonidii dhaqaale ee ay ku qabeen dalka Somaliland, iyada oo loo marayo dhowr mashruuc oo ay ka bilowday, kana mid yihiin horumarka io casriyeynta dekeda Berbera, Aaga ganacsi xor ah iyo Waddo aad u casri ah oo isku  xidha magaalada Berbera xadka Itoobiya.

 

 

 

Leave a Reply