Wajiga Labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran oo ka Furmay Magaalada Berbera.

0
584

Shaqo Qaran: Barnaamij Madaxweynaha Qaranku curiyay oo taabbo gal noqday laguna najaxay laguna abuuray waddan jacayl iyo aragti dheer

Qore:Khadar.M.Dhako.

Berbera (Dawan):-Wajigii  labaad  ee  Barnaamijka  Shaqo  Qaran  ee  Sannadka  2020 ka   ayaa Shalay   ka furmay  Magaalada  Berbera  ee  Xarunta gobolka  Saaxil.

Munaasibad  lagu  daahfurayay  wajiga  labaad  ee  Barnaamijka shaqo  Qaran   oo lagu qabtay xarunta  gobolka Saaxil ee Berbera,ayay ka soo qayb galeen  Wasiirka   Wasaaradda  Gaashaandhiga Cabdiqani  Maxamuud  Caaateeye (Fariid)   Maayarka  Magaalada  Berbera  Cabdishakuur  Maxamuud  Xasan Ciddin  iyo   Guddoomiyayaasha  Gobolada dalka.Agaasimaha  Barnaamijka  Shaqo Qaran  Maxamed  Xuseen  Mu,addinka

 

Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran oo Munaasibadaa lagu  Daahfurayay  dufcadii  labaad  Shaqo  Qaran   ayaa  sheegay  in la sii  amba  qaadayo  looguna  diyaar garoobayo  barnaamijka  shaqo qaran.waxaanu yidhi“Waxaan idiinku  yeedhnay  in  aanu  sii  amba  qaadno Dufcadii  labaaad  ee  Barnaamijka  Shaqo Qaran ee  Sannadkan  2020  in  aynu  u diyaar garawno  Sannad ka hor  waxa  aynu isugu  nimi  Magaalada  Burco  taana  ALLE  waa inoo rumeeyay  waanu  hano  qaaday,waxaanu  ahaa  maalintaa   Barnaamijka  shaqo  Qaran  tijaabo  waxaa  la  eegayay  in  uu suurta gal  yahay in la qaban  karo.waanu  suurta galay, qiimayn  ayaana  lagu  sameeyay.”

Wasiirka   Wasaarada   Gaashaandhiga  Cabdiqani   Maxamuud Caateeye   (Fariid)  sheegay  in la mahadiyay  Barnaamijka  shaqo  Qaran.waxaanu yidhi“Barnaamijka  Shaqo  Qaran  waa  himiladii  Madaxweynaha  Somaliland  Muuse  Biixi  Cabdi,waana  Barnaamij  cid  waliba  mahadisay  ujeedooyinka  laga  lahaa  Barnaamijka  shaqo  qaran  waxa  uu ahaa    in  dadku  is  dhex galaan,”.

Maayerka  Magaalada  Bebera  Cabdishakuur  Maxamuud   Xasan     Ciddin ayaa    soo  dhaweeyay  in  Magaalada  Berbera  laga furo  wajiga  labaad  ee  Barnaamijka  Shaqo  Qaran.Waxaanu  yidhi“Waxa    sharaf  noo ah  haddaanu  nahay  gobolka  Saaxil   in  ay marti  noo  yihiin    Guddoomiyeyaashii     Gobolada  dalka,waxaanan leenahay  ku   soo dhawaada  Gobolka  Saaxil     gaar  ahaan   degmadii   Berbera,”.

Sidoo  kale  Guddoomiyaha  Gobolka Saaxil   Axmed  Cisman  Xasan  ayaa   sheegay  in  laga  faa’iidaystay  Barnaamijka  shaqo  Qaran.waxaanu yidhi“Sannadkan  aad ayaa looga faa’iidaystay   Barnamijka  shaqo qaran  Guuddoomiyeyaasha  Gobolada  dalka  oo dhan  xad ayaanu  la leenahay,”.

Barnaamijka shaqo qaran ayaa ah barnaamij uu curiyay isla markaana uu ibo furay Madaxweynaha qaranka Somaliland  Mudane Muuse Biixi Cabdi,barnaamijkaas oo kao ka mid ahaa qodobadii uu Madaxweynaha qaranku ololaha ku galay isla markaana uu ka dhabeeyay qarankuna si weyn ugu diirsaday.

 

Leave a Reply