“Dunnida maanta Dabkaa ka ooggan Damaaci baa leh’ Axmed Genius

0
177

Waxaa uu yidhi sida aad moodaysaan maaha, u fiirso sida uu u soo siqayo. Dhawaan waxaad u ooyi  doontaan sida waddanka Sri Lanka. Haa dalka, Sri Lanka waxaa lagu leeyahay dayn ka badan $8 billion taas oo xadiga dul saarkeeduna yahay 7%. Amaahdaasi waxaa ay waddankii ku qasabtay inuu dakhligiisa oo dhan u isticmaalo iska bixinta daynta waddanka China ku leeyahay. aad isaga illaaliya beri hore ayuu idin soo galay. Kuye. Ma waxaad moodaysaan in Wadamada Angola, Itoobiya, Sudan, Kenya iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo ay ka faa,iidaysanayaan deynta uu siiyo Shiinuhu. Waa qoomameyn doonaan. Ha eegan, is dhul-dhigoodda.

Wadanka Djibouti waxaa uu amaahday hantida dhaqaalihiisa ka noqonaysa 88% marka la eego wax soo saarka dalkiisa oo lagu qiyaasay 1.72 billion GDP. Haaheey, Waxaad moodaa inuu dalkiisa xaraashayo Madaxweynaha Djibouti. Hadaa muxuu rabaa, waxaas oo deyn ah sow madaxfurasho loo qabsan maayo.

Sidan cidda inoola hadlaysa ee wax u qorayaa, waa hoggaamiyayaashii reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka. Haddalkan goorta ay jeedinayaan waa laba sano ka hor. Waxaa ay ku jirtay warbixin uu  soo saaray mac-hadka Chine-Africa Research Initiative(CARI) oo ka tirsan jaamacada Johns Hopkins University oo ay ku saxeex naayeen Martin Heinrich iyo la taliyihii hore ee arrimaha amniga Madaxweynaha Maraykanka oo lagu magacaabo John Bolton.

Waxa ay ku doodeen in Afrikaanku heshiisyadda uu ku bixinayo saldhigyadda milatari, gaar ahaan  uu caqabad kala kulmi karro China oo isagu is ballaadhin barbar wadda sida ay u arkaan.

“Habeen yahow dheeri waad I dhibtay…Dharaartuna iima kaa dhaanto” ayuu yidhi ninkii heesay.

Intii aan war bixintaas akhriyay hadba waxaan hoos u idhaa ma idinkaa dhaama, Shiinaha Hilbaha Afrika iyo inta tamarta darran idinla boobaya iyo idinku maxaad ku kala duwan tihiin.

Mar Waddamada reer Galbeedku waxaa ay kuugu faanayaan, intaas oo hay’adood ayaa dalkiina naga joogga, waxaanu idinka caawinaa, waxbarashada, caafimaadka iyo doorashooyinka. Mar kalena waxaa ay ku odhanayaan adeegyaddiina iyo hawlihiina qabsada. Oo ma I deynaysaan haddaad tidhaa, ‘Haka yaabin weeyi” Ficilkoodu. Xageenu kuu deynaa ayay ku odhanayaan, waxaana ay toos kuugu muujinayaan in Shiinaha iyo Ruushka aanay dhaamine, ay isku hayaan danno.

Dhinac waa run oo Shiinuhu waxaa uu waddaa ama ay 68 dal u adeegsanayaan qorshaha loo yaqaano One Belt and One Road Initiative, wadamadaas oo wajahaya heerka daynta ee aan la dabooli Karin. Waxaa ka mid ah Djibouti, Kyrgyzstan, Laos, the Maldives, Mongolia, Montenegro, Pakistan,  iyo  Tajikistan.

Laakiin, Qallinku waxaa uu is weydiiyay, haddii Somaliland ahaan aydaan awoodin inaad ku biirtaan waddamada is aqoonsan, Awooda leh ee waliba danta leh. Ma ku biiri kartaa uun kuwa danta laga leeyahay ugu yaraan ee Jidkaasi marayo, ama wadamada reer Galbeedku jidka ay kaas kula tartamayaan marinnayaan.

Xukuumad ahaana, taasi kama maqna meesha oo hore tiraba dhowr jeer Somaliland isugu deyday  sidii ay u helli lahayd taageero wax ku ool ah iyo cid kala shaqeysa kaabayaasha dhaqaalaha, laakiin, xagnaba danaystayaashu uma ogolla. Tusaale ahaan, Shiinaha hadii aynu soo qaadano, sida ku cad buugga Xirsi Cali Xaaji Xassan ee Miyiga Ilaa Madaxtooyadda, waxaa uu ku sheegay in Raysal-Wasaarihii hore ee Ethiopia kula talliyay. Waxaana uu ku yidhi. “Kulankii aannu la yeelannay Meles Zenawi, arrinta saddexaad ee uu ka hadlay waxay ahayd xagga dhaqaalaha. Wuxuu nagala hadlay sifaha iyo qaabka loo horumarin karo kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland oo run ahaantii u baahan mashaariic waaweyn. Waxa uu noo tilmaamay in cidda kaliya ee Somaliland arrintaasi wax kala qaban kartaa ay yihiin  dalka China iyo dunida Carabta.

Waxa uu na geliyay rejo iyo yididdiilo hor leh oo ku wajahan dalalka Carabta iyo China, wuxuuna noo sheegay haddii aannu taageero dhaqaale ka helno waddamadan, inay noo suurto gelin doonto dhisitaanka iyo qabyatirka adeegyada lagama maarmaanka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, dekedaha iyo madaarrada diyaaradaha.” Ayuu yidhi

Laakiin, soo jeedimihii waxaa uu sheegay inaanay suurta gelin iyo isku dayo ay wadda jir u sameeyeen. Meles Zenawi arragtidaas waa uu qabay, waxaanay dadka qaar u aamin san yihiin talaabooyinkii uu u qaaday dhinaca Shiinuhu ay ka mid ahayd waxyaabaha la tuhunsan yahay inay naftiisa galaafatay haatana Qalaanqalka ku haysa dalkaas, maadaama uu xidhiidhkaasi midho dhalay Shiinuhuna  mashaariic waa weyn ka fulliyay wadankaas.

 

Si kastaba ha ahaatee, haddaad aragto Xukuumadda oo hay’adaha Ajaanibka ah ee dalka ku sugan u tilmaamaysa inay Somaliland sideedda ula dhaqmaan ama waddamada reer Galbeedka u muujinaysa saluuga ay ka qabto waxtar yaraantoodda iyo buuqoodda waxaa ay dareemaysaa arrimahan oo dhan. Waana dabin dhowr oo waxaa ay tilmaamaysaa in aanay cid iskala coloobi karrin cid kalena iyaddoo aan waxba u qaban iska caashaqi karrin. Ugu danbayn Qallinku waxaa uu boggaadinayaa go’aanka hay’adaha Samafalka Madaxweynuhu ugu sheegay in aanay isku qaldin laba Albaab oo ay og yihiin inay isku xiggaan.,

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here