Baahida Ayaa Keentay Guusheeda!

0
462

Gabadha Joanne Rowling oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa u safartay dalka Bortiqiiska si ay uga hesho shaqo macalinimo. Halkasi ayay ku guursatay nin,  laakiins sanad ka dib waa ay kala tegeen ninkii ka dib markii ay u dhashay  gabadh. Markii noloshii ku adkaatay ayay Dalkeeda dib ugu noqotay iyadoo ah hooyo wadatta gabadheeda yar.

Joanne Rowling waxay isu aragtay markii ay shaqo weyday ee xaalkuna ku xumaaday inay nolosha ku fashilantay waxaana ku dhacay xanuunka werwerka sida darteed waxay goosatay inay nafta iska jarto oo dunida maca salaamayso. Laakiin wakhtigaasi nasiib wanaag xukuumadda ayaa u ogolaatay inay qaadato lacagaha kaalmada ah ee la siiyo dadka saboolka ah.

Muddo ka dibna waxay Joanne Rowling ku fikirtay inay qoraalo samayso maxaa yeelay waxay ahayd mid arinkaasi hiwaayad u leh. Waxaana ay bilowday qoraalka iyadoo soo saartay silsilad buugaagta Hary Poter oo aad loo jeclaaday qisaska ku qoran.

Sanadkii 2004 waxa ay noqotay qoraaga aad loo xiiseeyo buugaagtiisa waxaana ay ka heshay hanti gaadhaysa bilyano doller ah.  Joanne Rowling  wakhtigan waa qoraaga ugu badan ee dunida buugaagta silsilada ah ee uu qoray aad loo iibsado taariikh ahaan.  Waxaana buugaagta silsiladad ee ay qortay la iibsaday 500 milyan oo nuskhadood (copy)

Leave a Reply