Waxaad Leedahay Maskax!

0
410

Labada Wiil ee walaalaha ah Ben iyo Curtis, ayaa maalin qaatay qori iyo rasaastii ku jirtay, kaasi oo nin uu deeq hadyad ah ugu keenay madaama dalka Maraykanka uu fasax yahay hubka iyo haysashadiisu.

Labada wiil ayaa doonayay inay ku shiish iyo dhug bartaan, waxaana ay soo qaateen Daasad ay dhigeen meel gurigooda dhiniciisa danbe ah.  Waxay bilaabeen shiishka toogashada daasadda ilaa markii danbe ay rasaastii ka dhamaatay.

Wakhtigii habeenimada iyaga iyo hooyadood oo guriga wada jooga waxa albaabka ku garaacay nin ay jaar ahaayeen, kaasi oo aad u cadhaysnaa. Markii hooyadood weydiisay waxa uu ka cabanayo ee cadhada ka keenay waxa uu kexeeyay  labada wiil iyo hooyadood, waxana uu tusay gurigiisa oo daaqadihii wada burbureen taasi oo rasaastii ay ku dhug baranayeen ay  wada jebjebisay  dhamaantood.

Labada wiil markiiba way qirteen inay gefkaasi sameeyeen. Hooyadod ayaa ku tidhi :” Miyaydaan caqli  lahayn?” maxaad uga fikiri weydeen daasadda waxa ka danbeeya?”.

Ben iyo Curtis iyo ninkii waxay ku heshiiyeen in uu isagu soo iibsado muraayadihii ka burburay oo iyaguna ay shaqada gacanta ee gelinta ay qabtaan madaama ay yihiin qoys sabool ah oo aan bixin karin qiimaha muraayada iyo ta shaqaalahaba.

Leave a Reply