Dugsiga Cidlada Ah

0
528

Aroun Anderson oo ah ardayga keliya ee wax ka barta dugsiga ayay qasab ku tahay inuu ka jawaabo su’aalaha macalinka, maaha inuu yahay kan ugu maskaxda badan laakiin maba jiro ardayga kale oo dhigta dugsiga.

Inkasta oo waalidiinta Ingiriiska ay ka cabanayaan fasalada qaarkood oo ardaydu tiro badan tahay haddana Aroun wuxu muddo 10 sanno ah dhiganayay dugisgan ku yaalla jasiiradda Autsacrim ee  Scotland (Ingriiska).  Dawladda ayaa u samaysay  dugisga garoon , maktabad iyo qol muusiga lagu sameeyo. Golaha deegaanka ayaa bixiyay 75 kun oo Ginni , si uu wiilkaasi u sii wadan karo waxbarashada uu keli ku noqday ee jasiiraddan.

Ardaygan Mr.Aroun ayaa sheegay inay wax yaab leh u eegtahay dugsi aanu joogin arday kale, laakiin haddana isagu jecel yahay jasiiradan. Waxaan ka helaa baaskiiladayda aan wato, dabaasha xagaaga, laakiin waxaasi oo dhan waxaan ka jeclaan lahaa inaa helo caruur aan la cayaaro. Horaantii sanadka waxa jiray arday kale, laaakiin dhamaan qoysaskoodii way ka guureen tuulada. Taasi oo  ka dhigtay inuu  noqdo ardayga keliya ee dugsiga dhigta.

Waxaana ay noqon doontaa xiliga qaboobaha ardayga keliya ee dhamaysta sannad dugsiyeedkan. Jasiiradan waxa degan 70 qof oo keliya , oo midkoodna aanu  ahayn da’ada Aroun . Ardayga yar ayaan heli doonin saaxiibo la da’ ah isagoo taga magaalo kale oo gaadhigu uga socdo 2 saacadood mooyee.

Leave a Reply