Xikmadaha

0
748
  • Dadka guuleystaa had iyo jeer waxay raadiyaan fursado ay ku caawiyaan dadka kale. Laakiin Dadka guul daraystaa waxay mar kasta isweydiiyaan, ‘Maxaan ka faa’iidaya anigu?’

 

  • Ha barbar dhigin noloshaada ta dadka kale. Ma jiro isbarbardhig ka dhexeeya qorraxda iyo dayaxa. Mid kastaa Waxa uu iftiimaa oo dhalaalaa marka uu wakhtigiisu joogo!

 

  • “Siyaasaddu maaha ciyaar. Waa hawl adag”. Winston Churchil

 

  • Waa inaad U noqotaa qof wanaagsan kuwa ku baahan markaad maamul ama maal hayso.maxaa yeelay waxaad la kulmi doontan markaad halkaasi weydo. Mana jiro qof weligii saraynaya.
  • Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysid sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna go’aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.
  • Jeebadaha madhani qofka kama joojiyaan inuu guulaysto, laakiin quluubta iyo maskaxaha madhan ee faaruqa ah ayaa joojiya guusha. Dr.Ibrahim Fiqh

 

Leave a Reply