Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka Hadlay Ardayda Loo Qaadanayo Wajiga Labaad ee Shaqo Qaran

0
516

Qore Khadar M. Dhako

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo Shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shan iyo tobanka bishan aynu ku jirno uu ka bilaabmi doono gobolka Togdheer diiwaangalinta tartanka loo gelayo wajiga labaad ee Barnaamijka shaqo Qaran,

Xamse Maxamed Cabdi oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa bilaabmaya wajigii labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran oo ah sannadkan la qaadanayo kun arday faa,iidooyinka uu keenay Barnaamijka shaqo Qaran waxa ka mid ah werwerka Dhalinyarada ka haysan jiray wakhtiga ay ka baxaan Jaamacadaha dalka,oo inta badan ka caban jireen shaqo la,aanta arday kasta oo reer Somaliland ahi Maanta wuxuu aaminay in uu shaqo heli karo,iyada oo aanay cidi wadin oo uu ku meel marayo wixii uu bartay waanan uga Mahadnaqaynaa Barnaamijkaa shaqo qaran ee Madaxweynaha Somaliland suurta galiyay,waxyar maaha marka 1500 oo arday la qaatay Sannadkii hore 2019, marka kun Sannadkan 2020 lagu daro laba sanno gudahood 2500 oo arday oo noqday Shaqaale dawladeed waa wax aad iyo aad loogu faano”.

Guddoomiye Xamse oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Waxaan halkan si rasmiya uga caddaynayaa in araajiyada ama codsiyada lagaga qayb galay tartanka loo gelayo Barnaamijka shaqo Qaran ay ka bilaabmi doonto, Xafiiska Gobolka Togdheer berri(Maanta) oo Taariiikhda tahay 15 ka January waxaanay xidhmi doonaan araajidu 25 bisha Januery, muddo toban cisho ah ayay soconaysaa”.

 

Leave a Reply