Wajigii Labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran oo Maanta Bilaabmaya

0
954

Qore Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan): Masuuliyiinta xafiiska barnaamijka shaqo qaran ayaa shaaciyay wakhtiga la bilaabayo wajiga labaad ee barnaamijkaasi.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen xafiiska shaqo qaran ayaa lagu sheegay in cidii dooneysa in ay ka mid noqoto, dadka loo qaadanayo barnaamijka shaqo Qaran in ay ku hagaajiyaan codsiyadooda, xarumaha ugu dhaw ee goboladda dalka.

Sidoo kale masuuliyiinta barnaamijka shaqo Qaran waxaa ay ardayda ku wargaliyeen in qabashada codsiyadoodu ay bilaabmeyso 15/1/2020 ahna maanta oo arbaco ah, isla markaana ay xidhmayso maalinta Sabtidda ee bishu tahay 25 isla bishan, saacadu markay tahay 12-ka duhurnimo

Warkan qoraalka ee ay soo saareen masuuliyiinta xafiiska barnaamijka shaqo Qaran oo soo gaadhay xafiiska warqabadka wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sidan:

Shuruudaha looga baahan yaha codsadaha barnaamijka shaqo Qaran:-

  1. Codsi arji ay ku dalbanayaan ka qayb-galka barnaamijka shaqo qaran, codsiga waa inay ka muuqdaan Email-ka iyo telefoonka si loogala xidhiidho.
  2. Nuqul (Copy) kaadhka aqoonsiga muwaadinimadda ee Somaliland.
  3. Warqada caafimaadka ee codsadaha
  4. Nuqul shahaadada Jamacadeed oo ay soo tasqiiday ama cadaysay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland
  5. Cadayn in aanay da’da codsaduhu ka weynayn sodon sano jir 30-jir
  6. Warqada danbi la’aanta codsadaha.

Dhanka kale waxay mamulka iyo masuuliyiinta barnaamijka shaqo qaran ayaa isdultaagay goboladda dalka ee loo baahan yahay in dhalinyaraddu ay codsiyadooda ku soo hagaajin doonaan.

“Waxaa ay codsiyadooda ku soo hagaajin karraan ama ku soo xareeyaan xarumaha maamulka ee goboladda Awdal, Gabiley, Marroodijeex, Togdheer, Sool, Sanaag, Badhan iyo goobaha ugu dhaw”.

Leave a Reply