Madaxweyne Inaan Noqdo Ayaa Rabaa!

0
579
Mandatory Credit: Photo by Kathy Willens/AP/REX/Shutterstock (10075726c) Former Starbucks CEO and Chairman Howard Schultz smiles as he is introduced during the kickoff of his book tour, in New York. Democrats across the political spectrum lashed out at the billionaire businessman on Monday after he teased the prospect of an independent 2020 bid, a move Democrats fear would split their vote and all but ensure President Donald Trump's re-election Election 2020 Schultz, New York, USA - 28 Jan 2019

Mr.Howard Schultz  waa nin Maraykan oo ku dhashay dalkaasi sanadkii 1953, waxaana uu ka soo jeeday qoys sabool ah oo degan guryaha aad u liita. Howard ayaa sheegay in wakhtigaasi ay isaga iyo qoyskiisu saboolka ah, ahaayeen oo uu ku fikir jiray sidii uu uga bixi lahaa mushkuladda saboolnimada. Xataa wakhtigaasi waxa ku adkayd lacagta uu waxbarashada iskaga bixiyo, waxaana uu ku dedaalay inuu si fiican u barto kubadda cagta si uu uga dhigto xirfad uu iskaga bixiyo waxbarashada.

Aakhrikiina wuxu noqday mid xariif ku ah farsamada kubbada cagta taasi oo u fududaysay in jaamacadda University of Northern Machigan, ay siiso deeq waxbarasho. Markii uu ka qalin jebiyay jaamacadda waxa uu shaqo ka helay huteelada Starbucks oo bunka laga cabo, oo ay uga furan yihiin daafaha dunida 60 huteel oo kale lana mid ah kan uu shaqada ka helay.

Sanadkii 1986 ayuu noqday maamulaha shirkadda huteeladaasi. Wakhatigaasi ayuu balaadhiyay ganacsigii shirkadda isagoo dunida ka sameeyay 16000 huteel. Howard shirkadaasi ayuu ka shaqaynayay ilaa laga gaadhay sanadkii 2000. Waxaana uu noqday hantiile samaystay shirkadda Seattle SuperSonics, isagoo sidoo kalena xubin ka noqday gudida maamulka ee shirkadda Square, Inc.

Bishii Disember 1, 2016, ayuu Mr.Schultz ku dhawaaqay inuu iska casilay maamulihii shirkadaasi  CEO of Starbucks, iyadoo haddana wakhtigaasi loo doortay madax fulinta ee shirkadda. Laakiin bishii April 2017 waxa uu ku guuleystay inuu noqdo madaxa shirkada Kevin Johnson.   Howard Schultz  bishii Juun 4, 2018, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo guddoomiyihii fulinta, waxaana laga ogolaaday Juun 26, 2018. Howard Schultz  ayaa maalintiaasi sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in himiladiisu tahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha Maraykanka oo horeba u higsanayay inuu mar uu noqdo Madaxwynaha Maraykanka.

Sanadkan 2020 waxa la shaaciyay in hantidiisu ay gaadhayso 4.5 Billion doller, isagoo da’diisu ay 66 sano, laba caruur iyo xaasna waa uu leeyahay. Sanadkii 2017 Mr.Howard Schultz  haystay hanti dhan $ 3.1 Billyan, sida uu wakhtigaasi daabacay wargeyska Forbes magazine.

Leave a Reply