Badhasaabka Sool Oo Shaaciyay In Ay Bilaabantay Qabashadda Codsiyadda Dhalinyaradda Loo Qaadanayo Barnaamijka Shaqo Qaran

0
491

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa shalay shaaciyay in Arbacadii shalay uu si rasmi ah u bilaabmay diiwaangelinta dhalinyaradda loo qaadanayo wejiga labaad ee barnaamijka shaqo qaran.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo shalay  xafiiskiisa kulan kula qaatay dhalinyaradda loo xil saaray diiwaangelinta ardayda dhamaysatay jaamacadaha ee loo qaadanayo barnaamijka shaqo qaran.

Waxaanu sheegay sanadkan gobolka Sool la siiyay 152 qof in loo qaato barnaamijka shaqo qaran, kuwaasoo 99 ka mida yihiin Wiilal, halka 46 kale-na ay yihiin Gabdho iyo sideed ruux oo ka mida dadka naafadda ah.

Badhasaabku waxa uu sheegay in tiradii sanadkii hore la siiyay gobolka Sool aanay buuxinin, sidaas darteedna sanadkan looga baahan yahay in ay muddo toban maalmood ah ku soo buuxiyaan.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Maanta (shalay) oo ay bishu tahay 15-ka bisha January, waxaanu xafiiska gobolka Sool ka bilawnay, qabashadda codsiyadda  iyo CV-yadda, dhalinyaradda loo qaadanayo barnaamijka shaqo qaran.

Waxaan ugu baaqayaa bulshadda gobolka Sool, waxaanan leeyahay maanta (shalay) waxaa inoo bilawday qabashadii cadsiyadda iyo CV-yadda barnaamijka shaqo qaran. Maalin kale ayuu qofku tebi doonaa, oo uu odhan doonaa maxaa la iiga tegay sidii sanadkii hore dhacday”.

“Sanadkii hore tiradii la inoogu tallo galay maynaan buuxinin. Sanadkan tiradda aynu helnay waa 152 qof. 99 ka mida waa Wiilal. 46 tana waa gabdho. 8 qof na waa dadka naafadda ah.

Waxaan doonaynaa 152-ka qof in muddo toban maalmood gudahood ah lagu soo dhamaystiro. Manta (shalay) oo Arbaca ah ayay bilaabanaysaa, 25-ka bishan ayaanay xidhmaysaa”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Geesta kale badhasaabka ayaa akhriyay shuruudaha laga rabo dhalinyaradda loo qaadanayo barnaamijka shaqo qaran. Waxaanu yidhi, “Shuruudaha dadka laga rabaa, waa lix shuruudood. Marka koowaad waa in uu qofku soo qortaa arji uu ku codsanayo tartanka imixtaanka loo gelayo barnaamijka shaqo qaranka.

Waana in ay ku qoran yihiin email-kiisa iyo telefoonkiisuba, waa in uu haysto kaadhka dhalashadda Somaliland. Ta saddexaad warqadda caafimaadka codsadaha. Ta afraad na waa nuqul ka mida shahaadda jaamacadda oo ay soo cadaysay wasaaradda waxbarashadda Somaliland.

Cadaynta da’ad codsaduhu waa in aanay ka waynayn 30 sanno jir. Warqadda danbi la’aanta codsadaha”.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa bulshadda gobolka Sool faahfaahin dheeraad ah ka siiyay goobta lagu soo hagaajinayo codsiyadda, isagoona madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay curinta barnaamijka shaqo qaran.

Waxaanu yidhi, “Xarunta gobolka Sool ayaa lagu soo xeraynayaa codsiyadda, waxaana diyaar idiinku ah, dad shaqadda u carbisan, oo fahamkeedda iyo aqoonteedaba leh.

Waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo gartay in hab fudud lagu shaqaalaysiiyo dadka uu madaxweynaha u yahay, oo ay kaga mid noqdaan shaqaalaha qaranka”.

 

Leave a Reply