Dawladda Hoose ee Burco oo Go’aamo ka soo Saartay Baabuurta Qaadka

0
578

Qoew Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Golaha Deegaanka Burco ayaa ku eedeeyay Qaadleyaasha Magaalada Burco in aanay u Hoggaansamin Go,aamo ay ka soo saareen Baabuurta Qaadka keena Magaaladaas.

Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad iyo Maayar ku Xigeenka Magaalada Burco Muxumed Xasan Jaamac oo Shalay warbaahinta si wada jir ah ula wada hadlay ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Qaadleyaasha Magaaladaaas haddii ay u Hoggaansami waayaan Go,aamadii ay ka soo saareen Golaha Deegaanka degmada Burco in qaadka lagu rogo meel Magaalada ka baxsan,

Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yusuf Cabdiraxmaan oo ugu horayn ka hadlayay Go,aamada ay hore uga soo saareen Qaadka.ayaa yidhi“Kalfadhigii ugu dambeeyay Golaha Deegaanka ee Degmada Burco yeesho Go,aaamadii uu soo saaray waxaa ka mid ahaa in baabuurta qaadka sidda ee Magaalada dhibaatada badan ku haysaa ee halista caafimaad ku hayaa in loo sameeyo xero qaadka lagu rago Baabuurta qaadka keenaya Magaalada Burco,annagu waxa aanu ku qasbannahay in aanu fulino Go,aamada ka soo baxay Golaha Deegaanka ee degmada Burco inbadan ayaanu u yeedhnay Mulkiileyaasha Qaadka keena Magaalada.waanay naga dhego adaygeen si aanu isula eegno sida aanu doonayno in aanu ku maamulno dhibaatada ay dadka ku hayaan Baabuurta qaadka waxa xashiishka keena Magaalada dhexdeedii waa Qaadka,Sandaqad miidhan ayay ka sameeyeen qaadle yaashu Magaalada waxaanan u sheegaynaa in aan sandaqad dambe oo Magaalada ku taalla iyo kabadh dambe majiri doono waanan Burburinaynaa,”.

Maayerka ku Xigeenka Magaalada Burco Muxumed Xasan Jaamac ayaa isna sheegay inay tallaabo ka qaadayaan qaadleyaasha jabiyay go,aamadii ay soo saareen waxaanu yidhi“Waxa loo Sameeyay Baabuurta qaadka keena meel Magaalada Burco koonaheeda ah in qaadka lagu rogo In awood aan sharci ahayn la sheegto ayaa saaka(shalay) muuqatay,mushkilad kasta qaadku haku hayo dadka reer Burco laakiin dad badan ayaa ku nool dadka ayaanu u ilaalinaynay oo aanu ka warhaynaa mulkiileyaasha qaadka ayaana masuuliyadaa qaadaya Tallaabana waanu ka qaadaynaa.”.

 

 

Leave a Reply