Wasiirka Biyaha Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Wakaallada Biyaha Burco Ku soo Bandhigtay Waxqabadkeeda Sannadkii Tagay 2019

0
475

Qore Xabiib Cigge

Burco (Dawan)- Wasiirka wasaarada horumarinta biyaha Jamhuuriyada Somaliland mud: Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka qayb galay munaasibad balladhan oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Walada Biyaha Magaalada Burco ee Sannadkii dhamaaday ee 2019.

Maareeyaha wakaalada biyaha Burco Cabdixakiin Maxamed Maxamuud oo ugu horeyn xafladaasi ka hadlay ayaa madasha ku soo bandhigay wixii horumar ay ku talaabsatay wakaalada Biyuhu Muddadii uu hayay xilka wakaallada Biyaha magalada Burco.

Maareeyaha oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalintii aan xilkan qabtay 13 Ceel baa wakaalada ushaqaynayay, maantana waxa shaqaynaya 17ceel waxaanu kusioo kordhinay 4 ceel cusub, waxa kaloo la wareegay 11gaadhi maantana wakaalada waxa jooga 18 gaadhi oo 7 baabuur oo cusub ayaanu kusoo kordhinay wakaalada, waxaanu kusoo kordhinay wakaalada sadex xafiis oo cusub oo maanta xadhiga laga jarayo, waxaanu la wareegnay 95,000 (shan iyo sagaashan kun oo shilin) oo dayna ayaanu la wareegnay maantana wasiir wax dayn ah oo wakaalada lagu leyahay ma jirto, waxaanu biyo balaadhin ku samaynay 74 goobood oobiyaha burco ugu balaadhinay oo uu aad noogala shaqeeyay maayirka magaaladu iyo badhasaabku”

Cuqaal, Salaadiin iyo madaxdhaqameed kale oo halkaasi ka hadlay ayaa siweyn ugu mahadnaqay maamulka wakaalada Biyaha Burco, siweyna usoo dhaweeyay waxqabadka ay muujisay wakaaladu.

Maayirka degmada Burco maxamed yuusuf cabdiraxmaan muraad ayaa ka markhaati kacay waxqabadka ay muujisay wakaalada Biyaha Burco “laamaha dawlada Togdheer oo waxqabtay anana markhaati ka ahaano ka maamul ahaan shacabka aad madaxda unahayna waxbay utahay, madaxda waxa kala saraysiiya staff(shaqaalaha) la shaqaynaysa”

Taliayaha qaybta booliska Togdheer gaashaanle dhexe Cali Gaadaale ayaa isna siweyn mahadnaqay waxqabadka ay muujiyeen maareeyaha wakaalada , maareeye kuxigeenkiisa iyo shaqaala waynaha wakaaladu,

Bdhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa isna hoosta ka xariiqay in maareeyaha wakaalada biyuhu uu ka dhabeeyay dardaarankii iyo balanqaadkii Bulshadu ka sugaysay “Maareeyaha cabdixakiin oo mudo sanad iyo waxoogay ah halkan joogay wixii uqabsoomay iyo waxa ay hiigsanayaan inay uqabtaan bulshada, halkan maanta waxa ka cad dardaarankii inuu ka dhabeeyay balanqaadkiina inuu fuliyay”

Wsiirka wasaarada horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo xaflada soo afmeeray ayaa hambalyo udiray dhamaan shaqaale waynaha wakaalada Biyaha biyaha Burco waxqabadka ay muujiyeen sanadkii tagay “Maareeyaha iyo kuxigeenkiisa iyo Dhamaanba shaqaalaha wakaalada aad iyo aadbaan idiin hambalyaynayaa, waxqabadku isma qariyo Aqalkan aynu ku jirno iyo intan aynu xadhiga ka jarayno ee aan xafiiskaba dhaafsanyn ayaa ka markhaatiya”

 

Leave a Reply