Macmiilka Iyo Ganacsiga!

0
534

Laba dukaan oo jaar ah ayuu midkood iibin jiray malabka, kan kale wax uu iibin jiray khalka. Dadka ayaa aad u iibsan jiray khalka. Maalintii danbe ayuu ninkii lahaa dukaanka Malabka iibiya u qaatay in sababta ay dadku uga iibsan waayeen malabka ay tahay qiimaha qaaliga, sidaa darteedna wuu jebiyay qiimaha uu ku iibin jiray,  ilaa uu gadhsiiyay qiimaha khalka.
Laakiin markii u jebiyay qiimaha malabkana may jirin wax iska bedelay weli sidii ayuu iskaa ah.

Markii danbe ayuu u yimi ninkii ay jaarka ahaayeen waxaana uu weydiiyay sababta ay dadku uga iibsan waayeen malabka macaan ee ay isaga uga iibsanayaan khalka dhanaan ee aan lahayn macaanka.

Waxaana uu ugu jawaabay “ Anigu carrab malab ah ayaan ku iibiyaa khalka, adiguna carab khal ah ayaad ku iibisaa Malabka”. Xikmaduna waa dadka waxa qanciya dhaqanka qofka ee Maaha badeecadda uu iibinayo. Waxaana halkaasi inooga cad in dadku ay baahi u qabaan hadal malab ah oo run kuna dhisan niyad wanaagsan iyo qalbi saafi ahins ku lammaan yahay.

 

Leave a Reply