Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Hadlay Qisaas Xukuumaddu Fulisay

0
405

Qore Faysal A. Kaarshe

Hargeysa (Dawan):- Xeer Illaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, ayaa ka hadlay qisaas shalay lagu fuliyay gacan ku dhiigleyaal hore dilal u geystay isla markaana xukunno dil ahi ku dhaceen.

Waxaanu intaa ku daray in lix kukumane oo dil ku xukunnaa isla markaana dilal hore u gaystay shalay in lagu fuliyay dil qisaas ah.

Qoraal uu soo saaray Xeer illaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan o nuqol ka mid ahi soo gaadhay wargeyska         Dawan,ayaa u dhignaa sidan.”Iyadoo la fulinayo amarka Maxkabada Sare waxa saaka(shalay) oo ay taariikhdu tahay 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7;45 minit, dil toogasho ah lagu fuliyey gacan ku dhiiglayaashan hoos ku qoran;

1; Gacan ku dhiigle Axmed ibraahin Faarax, ina Aamina Maxamed kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystey EX _ASK-pol Marxuum Maxamed Cabdi Saleebaan.

2; Gacan ku dhiigle Xasan Muxumed Cismaan, ina Shukri Yuusuf kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystey Marxuum Ismaaciil Faarax Maxamed.

3; Gacan Ku Dhiigle Khadar Aleel Xirsi, ina Maryam Cumar kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystey MarxuumSiyaad Cabdi Muxumed.

4; Gacan ku dhiige Farxaan Maxamed Xasan, Ina Khadiija Khaliil kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystey Marxuum Ibraahin Axmed Muuse.

5; Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe, ina Shamhaad Careef kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystey Marxuum Idiris Daa’uud Jaamac.

6; Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd, ina Faadumo Cali kaas oo loo qisaasay dilkii uu u geystey Marxuum Garaad Aadan Maxamed.

Goobta Qisaasta;

Waxaa dilkaas toogashada qisaasta ah lagu fuliyey goob fagaare ah oo ka soo horjeeda xabsiga mandheera”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Xeer illaaliyaha guud ee qaranka Somaliland

 

Leave a Reply