Xukuumadda oo Sannadkan 2020-ka kor u Qaadaysa Heerka Adeegyada Cisbitaallada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Dawladda

0
485

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa Dawan)- ukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay sanadkan kor u qaadayso heerka xarumaha dawladda ee bixiya adeegyada caafimaadka, iyadoo la kaashanaysa Hay’addaha caalamiga ah ee kala shaqeeya iyo qorshaha miisaaniyada dawladda ee loo qoondeeyey horumarinta caafimaadka.

Sidaasina waxa sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Mahdi Cismaan Cabdilaahi oo shalay kormeer ay ku weheliyaan masuuliyiin ka socda Hay’adda Caafimaadka adduunka iyo saraakiil ka tirsan Wasaaraddu, ku soo maray Cisbitaalada guud iyo xarumaha dawladda ee caafimaadka, kormeerkaasoo ujeedadiisu ahayd qiimeynta baahiyaha ka jira goobahaasi.

Masuuliyiintan oo kormeerka kaddib, warbaahinta kula hadlay Cisbitaalka Qaaxada ee magaalada Hargeysa, ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha ay kala kulmeen goobaha ay kormeereen, waxaana ugu horayn faahfaahin ka bixiyey madaxa xog-uruurinta Wasaaradda horumarinta caafimaadka Cabdilaahi Cabdi Yusuf.

“waa Wefti muhiima oo ka socda Hay’adda caafimaadka aduunka ee Qaramada midoobay oo la shaqaysa Wasaaradda Caafimaadka, sidaa darteed maanta kormeerkan waxaanu ku soo marnay meelo kala gedisan oo ay kamid yihiin Cisbitaallada, xannaanooyinka iyo xarumaha Caafimaadku.

Weftigani wuxuu isugu jiraa wefti ka yimi Geneva, wefti ka yimi Qaahira iyo wefti ka socda WR-ka oo noo qaabilsan arrimaha Caafimaadka”ayuu yidhi.

Madaxa Hay’adda WHO ee Somaliland iyo Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kormeerkan iyo socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay u qiimeyn lahaayeen heerka xarumaha caafimaadka dalka iyo waxyaabaha u baahan in wax laga qabto ee ay dawladda kala shaqaynayaan.

Dr Mamunur ayaa yidhi “ujeedadu waa in aan sii xoojino wada shaqaynta naga dhexaysa Jamhuuriyada Somaliland”ayuu yidhi

Mahdi Cismaan Cabdilaahi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa dhankiisa sheegay in weftigani u socdaan sidii ay dawladda wax ugala qaban lahaayeen horumarinta xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka ee dalka, isagoo tilmaamay in xubnaha weftigu ay ka kooban yihiin Hay’addaha la shaqeeya Wasaaradda.

Wasiir Mahadi ayaa tilmaamay, in ay doonayaan Wasaarad ahaan iyagoo fulinaya siyaasadda xukuumadda in ay kor u qaadaan sanadkan tirada iyo tayada goobaha caafimaadka dalka oo dhan.

“Weftigan waxaanu ku soo dhaweynay Madaarka, waxaanu geynay dhamaan xarumaha caafimaadka, Cisbitaalka guud, cisbitaalka Dhimirka iyo Cisbitaalka TB-da, waxaanan soo tusnay baahiyaha yaalla inta ay baaxad leeyihiin. ”

Wasiirka ayaa intaasi raaciyey “waa howl ka go’an wasaaradda Caafimaadka in ay dardar geliso sanadkan 2020-ka heerka adeegyada caafimaadka Somaliland oo dhan, sidaas darteed ayaanu u soo tusnay wixii baahiyo yaalla, wixii kalena xukuumadda Somaliland ayaa miisaaniyada ku dartay”.

Hay’adda WHO ayaa tobanaankii sanno ee u dambeeyey Dawladda kala shaqaynaysay horumarinta adeegyada caafimaadka.

 

 

Leave a Reply