Garyaqaanka Guud oo ka Hadlay Sharciyadda Gudida Doorashooyinka

0
558

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal,ayaa ka hadlay sharciyadda gudida doorashooyinka qaranka iyo cidda cabasho ka qabtaa halka ay la tegi karto.

Waxaanu meesha ka saaray in gudida doorashooyinka sifo aan sharci ahayn lagu kala diri karo ama la odhan karo iyadoo aan sharciyadda loo marin Madaxweynuhu ha kala diro.

Waxaanu intaa raaciyay in arrinta komishanka doorashooyinka in ay ka garnaqi karto haddii tabasho laga qabo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxkamadda Sare oo keliyi.

Cabdisamad Cumar Maal oo Shalay u waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan shuruudo lagu kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka hase yeeshee aan la kala diri karin iyadoo aanay jirin qodobbo sharci oo ay jabiyeen.

Garyaqaanka guud oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Gudidu waxa ay talo bixin ka bixiyeen sidaa hala yeelo laakiin in la yidhaahdo Komishanka Doorashooyinka hala kala diro Komishankii Doorashooyinkii horena halla soo celiyo waxa ay jabinaysaa Go,aankii ay soo saareen Goleyaasha Qaranka ee inoo dhisnaa, Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Sharcigu waxa uu Sheegayaa meesha loo marayo waa la ansixiyay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Madaxweynaha gudbiyay waana la ansixiyay Maxkamadda Sare ayaa dhaarisay,cidda cabasho ka qabtaa Maxkamadda Sare ayay gayn kartaa laakiin in la ogolaado cid aan Maxkamadii iyo baarlamaankii ahayn oo dawladdii ku jirin sow maaha in Qarannimadii bannaanka la dhigay,”.

Garyaqaanka guud oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “Waxaa xilka lagaga qaadi karaa xubnaha komishanka doorashooyinka marka uu jabiyo Shuruudihii lagu soo doortay marka ay ku kacaan musuqmaasuq,marka arrimahaasi soo baxaan Madaxweynuhu guddi ayuu u saarayaa waa la soo baadhayaa markaas ayaa xilka laga qaadayaa.ka dibna waxa loo gudbinayaa Golaha Wakiilada gudida Komishanka Doorashooyinka waa guddi siyaasiya oo u garnaqaya xisbiyada markaa in cidi saamayn ku yeelato ama si uun u faragaliso sharcigu ma ogola Mdaxweynuhu kama qaadi karo xilka oo aan sababaha xeerku Sheegay aan ahayn.”.

 

 

Leave a Reply