Laba Nobel Price Ayay Dadaal Ku Heshay!

0
534

Marie Skłodowska–Curie waxay u dhalatay dalka Poland inkasta oo ay haysatay dhalasho Faransiis ah ka dib markii uu guursady nin Faransiis ahi. Maria waxay ku dadaashay inay aqoonta cilmiga Physics, iyo chemistry ay u barato si isku mid ah,

 

Waxaana ay Marie noqotay gabadhii u horaysay ee dalka Faransiiska Jaamacad macalimad ka noqota oo ka bixisa casharada cilmiga ay baratay. Marie waa saynis yahankii u horeeyay ee soo saaray curiyaha radium (Ra). Iyadoo wakhtigeeda badankiisa ku qaadatay cilmi baadhista ay ku samaynaysay shucaaca ka yimaadda Radioactive iwm.

 

 

Gabadhani Marie waxa ay diyaarisay cilmi baadhis badan si looga faa’iidaysto shucaacaasi dhinaca caafimaadka. Laakiin nasiib daro shucaaca ay baadhaysay ayaa jidhkeeda asiibay waxaana ku dhacay xanuunka kansarka dhiigga,  Xanuunkaasi ayaa sabab u noqday dhimashadeeda oo ahayd Bishii July 4, sanadkii 1934,

Waxaa lagu xusuusta Marie inay ahayd qofka keliya ee laba jeer ku guulaystay abaal marinta Nobel Price oo laba maado ah Chemistry iyo phiysigis.  Sidaas darteed mar waa gabadhii u horaysay ee macalimad Jaamacad ka noqota, mar kalena  waa qofkii u horeeyay ee laba Maado oo kala duwan mid kasta ku guulaysta abaal marinta Nobel Price. Dadaalka qofka ku jira ayaa gaadhsiiya guulaha.

 

Leave a Reply