Somaliland iyo Ingiriiska oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal iyo Ammaanka Mandaqada

0
512

Dulucda Kulan  Madaxweynaha Somaliland la Yeeshay wefti uu hoggaaminayo Safiir Ingiriis ah

 Qore: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dawladda ingiriiska  u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ben Fender, oo booqasho ku yimi dalka.

Kulankaasi ayaaa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhexeeya iyo dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka, sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu (Khamiistii0 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Ben Fender.

Kulankaasi waxaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahad naqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dar-dar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi”.

“Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii had ba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika”.

 

Leave a Reply