NIDAAMKA DIMOQRAADIYADDA TIIR-DHEXAADKU WAA KU DHAQANKA SHARCIGA.

0
650

Bulsho kasta oo uu ALLAHA WEYNE  meel kuwada uumay, waxay marka hore ay leeyihiin dhaqano iyaga u gaara oo lagu yaqaan, sidoo kalena waxa lagama maarmaan iyo waajiba ku ah hadday doonayaan, inay si nabada kuwada joogaan halka uu Ilaahay kuwada uumay, inay sameystaan oo dejistaan nidaam Maamul, shuruuc  iyo xeerarka uu nidaamkaasi ku shaqeyn lahaa, kuna kala hagi bulshadaasi markay dhexdooda wax isku khilaafaan ama ay qeybo ka mid ah bulshadu aragtidddoda ku qanci waayaan sida uu wax u wado nidaamkii Maamul ee sida wadajirka ah loo wada dhistay.

Somaalidu markay ka hadlayaan khilaaf ama ay si wax u wada arki waayaan  laba dhinac, waxay yidhaahdaan, ( CARAB IYO LABADIISA DAAN AYAABA ISQANIINA)iyagoo odhaahdan ku muujinaya in kala aragti duwanaashaha ama khilaafku ahayn wax cirka soo dhac ah, balse uu yahay wax had iyo jeer ka dhex dhici kara iska dhaafa bulshada kale, xataa labada qof ee dad iskugu xiga ee wallaalaha ah uu dhexdooda ka dhasho khilaafku. Sidoo kale waxay odayaasha Somaalidu, gaar ahaan kuwii hore ku qancin jireen  labada dhinacba, in aanay muhiim ahayn isfaham la’aantu ama khilaafku, balse waxa muhiimka ah ee u fiican iyaga, ehelkooda iyo bulshada kaleba ay tahay, kala gar qaadashada.

Waayihii hore marka la falanqeynayo xaajooyinka la xidhiidha gar-naqa, waxay had iyo jeer dadkeenu tusaale usoo qaadan jireen, nin oday ah oo magac ku dhex lahaa beeshiisa iyo kuwa kale ee ay ood wadaag leeyihiinba oo Wiil uu dhalay iyo mid kale oo arrini dhex martay oo  xeer-beegti u kala gar-naqday isagoo odaygu aanu hawl darteed goob-joog u noqon kari waayey. Dabadeed odaygii ayaa odayaal si aad ah ay iskugu dhawaayeen xagga kaftanka iyo sheekooyinkaba ku kulmeen meel duleedka reerka ah, waxayna iswareysi kooban kadib u sheegeen, in Wiilkiisa laga helay gartii, dabadeed isagoo dhoolla-caddeynaya ayuu weydiiyey oo yidhi,” Waar ma xuma in laga helee, ma qaatay gartii in  laga  helay,?” waxay ugu jawaabeen [HAA] intuu aad u farxay ayuu yidhi,”  HADDAA WAA IGU BANNAAN YAHAY.”

Maanta waxan uga socdaa oo usoo qaatay arrinta tusaalaha ah ee odaygaa Wiilkiisii loo sheegay in laga  gar helay ee ku jawaabay, ma qaatay in hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi Qaran yeeshaan ragannimada odaygaas oo kale oo waa la kala gar helee ay qaataan inta garta laga helay ee welba  afkooda kaga qirtay meel fagaare ah, in shacbiga ay ka galeen gef, sidaa awgeedna ka dalbadeen inay cafiyaan, waxase isweydiintu tahay, goorta aynu xusuus u yeelanayno wixii shalay inna soo maray, si aan joogtada maanta wax ugu kala garano.

Haddaan shacbiga nahay siyaasiyiintu iyagaa danahooda siyaasadeed  u kala jiidanay hadba siday u arkaan in wax ugu meel mari karaan ama shacbiga ha kula soo dhex galgasheen ama shisheeye sida bulshada Caalamka ee hadda afku innaga bartay, si uu midba ka kale ugu wiiqo siyaasadihiisa,  ama ka kursiga ku fadhiya ha noqdo ama ka  mucaaridka oo kollayba isagu ka xoqasho badan ka muxaafidka, inta badana waxay siyaasiyiintu hawlahaas oo dhan u adeegsadaan waa shacbiga oo u ah baalasha ay ku duulaan, balse ficillada ka dhasha siyaasadahaa laysku hirdiyayo, wixii dhibaatooyin ah eek a yimaadaa waxay dambarsataa oo ku dembeysaa isla shacbigii sababta uu ahaa ee aan burkaba bahal ka dayin.

Haddaba sidaan la socono muddo Sannad iyo badh ah oo ay dib innooga dhaceen doorashooyinkii Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada oo ay ahayd, in dalka ka qabsoomaan 2019kii, waxa sabab u ahaa oo dib u riday Madaxda Sare ee Xisbiga Waddani oo uu Guddoomiyahoodu kow ka yahay, kadib markay diideen inay ka qeybgalaan doorashooyinkii qorsheysaan, taas oo ay shuruud uga dhigeen kala dirista Guddigii hore ee Komishanka Qaranka ee doorashooyinka ee sharciga ku fadhiyey. Waxa kale oo intaa sii dheeraa Xisbiga Waddani oo aan soo bandhigin waxay ay kaga boodeen Komishankaa hore ee aan dhammeysan muddo xileedkoodii, balse muddo ka bacdi loo yeelay siday rabeen iyadoo laga eegay dhanka maslaxadda guud ee Qaranka.

Dad badan oo ka mid ah waxgaradka reer Somaliland, ayaa waxa xilliyadaa kasoo yeedhayey  inaanu Xisbiga Waddani doorasho diyaar u ahayn, waxana weliba hormood u ahaa arrinta Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo markii lagu guda jiray furdaaminta sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay, ayaa maalintii Xisbiga Waddani loo yeelay qodobkii sharci darrada ahaa ee kala dirista Komishankii Doorashooyinka uu Guddoomiye Feysal meel fagaaraha ka sheegay, inaan Xisbiga  Waddani diyaar u ahayn inuu doorasho galo, isagoo sabab uga dhigay inuu berrina wax kale oo uu ku carqaladeynayo doorashooyinka uu keeni doono.

Xaqiiqada hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga UCID, maantuu muran la’aan u cad yahay sida dharaarta oo kale, maadaama uu markii loo yeelay siduu doonayey ee xubnihii cusbaa ee Komishanka loo soo kala magacaabay siduu xeerka doorashooyinka tilmaamayey ee ay Golayaashii xaqa u lahaana wada ansixiyeen, lana dhaariyey ee bilaabeen Gudo galka hawshoodii, ayaa waxa kasoo yeedhay Guddoomiye Cirro arrin aan meeshaba la soo dhigan, balse ka markhaati kacday hadalladii waxgaradka Somaliland ee ahaa [ XISBIGA WADDANI DIYAAR UMA AHA DOORASHO.]

Waa yaabka yaabkiiye, Guddoomiye Cirro, ayaa haddana diiday mar kale Guddigii cusubaa ee Komishanka Doorashooyinka mar allaale iyo markay damceen inay gudo galaan hawlihii loo igmaday, kadib markay soo mareen dhammaan jaranjarooyinkii sharci ee ay ku noqon lahaayeen Komishan Qaran oo sharci ku fadhiya, kuna dhammeysanaya hawshooda muddo xileedka sharcigu u jideeyey.

Ka sii darrane, xubno isku xilqaamay inay xal raadiyaan, ayaa waxa uu Cirro u sheegay inuu doonayo in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee uu muddada dheer lahaa, waa xaaraan oo waa dhinac, kamana qeybgalayno doorashooyinka illaa iyaga la kala diro ee murankiisii iyo kolba ergo u diriddii Guddoomiye Cirro sabatay in muddo sannad iyo badh aanay dib innooga dhaceen doorashooyinku 2019kii oo hadduu maalintaa hore aqbali lahaa ay haatanba Golayaasha Wakiillada iyo kuwa degaannadba fadhi lahaayeen Golayaasha Mudanayaal cusub oo la soo doortay.

Marka laysku soo wada ururiyo dhacdooyinkaa kor ku xusan, waxa uu kuu soo baxaya dhawr arrimood oo ay ka yihiin, in aanu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani diyaar u ahayn in dalka ka qabsoomaan doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo kuwa Degaannadu, mida labaadna waa burburinta shuruucda dalka, isagoo doonaya in kolba loo jebiyo qodob Dastuuri ah, kadibna ay cid kasta oo muraad lahaydba tusaale ka dhigto Guddoomiye Cirro, sidaana uu dalka ku noqdo mid fawdo ah oo nin walba siduu doonayo ka yeelayo shuruucda dalka isagoo dabada gelinaya reer, kuna hanjabaya, in Somaliland dumi doonto haddaan tiisa loo yeelin, sidaana Qaran ku dhinaan maayee, waa in Xukuumaddu adkaysaa ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka.

 

 

 

 

Leave a Reply