Somaliland oo Itoobiya Ku Wareejisay Gaadhi la soo Dhacay

0
513

Qore:Khadar M. Xaashi

Baligubadle (Dawan):- Somaliland ayaa ku wareejisya oo gacanta ka gelisay dawladda Itoobiya gaadhi la soo dhacay iyo alaabtii saarnaydba,ka dib markii ciidanka booliska Somaliland gaar ahaan gobolka Hawd ay gacanta ku soo dhigeen gaadhiga lasoo dhacay iyo alaabtii saarnaydba,kaas oo lagala soo baxsaday deegaanka degmada Xarshin ee dawlad deegaank Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Hawd gaashaanle dhexe Maxamed Xuseen Cali ayaa ku wareejiyey gaadhi Shaanbooya oo dhanka xadka Somaliland ee Baligubadle loola soo baxsaday taliyaha degmadda Xarshin Dhamme Daahir Ciise Aadan.

Gaadhigan waxaa saarna laba Taangi oo nooca biyaha lagu shubta ah, waxaana  si nabadgelyo ah loogu wareejiyey hoggaanka nabadgelyadda ee degmadda Xarshin iyo xubno kale oo ku wehelinayay baadigoobka gaadhigaas.

Dhankiisa waxaa ciidamadda booliska Somaliland uga mahad celiyey sida feejignaanta leh ee ay gacanta ugu dhigeen gaadhigaas iyo wixii saarnaba oo uu xusay in ay muddo daba socdeen.

Taliyaha qaybta booliska  gobolka Hawdka  gaashaanle dhexe Maxamed Xuseen Cali “Ciidanka booliska ee gobolka Hawd, gaar ahaan saldhiga degmadda Baligubadle taliyaha saldhiga iyo ciidankiisu waxay qabteen oo ay gacanta ku soo dhigeen gaadhi  ka soo tallaabay dhinaca dalka Itoobiya, sideyna laba Taangi oo waaweyn oo kuwa Kontonka Foosto qaada ah, waxaana halkaasi lagu qabtay Tuugii soo qaatay iyo darawalkii gaadhiga Shaanbooga ah waday.

Anigo taliyihii qaybta ah waxaan doonayaa inaan ku wareejiyo maamulkii Itoobiya oo uu ka mid yahay hoggaanka nabadgelyadda Cabdi Xasan Kaahin, guddoomiyaha qabaleyga ee Cali Sagal iyo gudgoomiye ku xigeenka waxaa kale oo aan furihii iyo qalabkii laga soo qaatay aan doonaya in aan ku wareejiyo taliyaha degmadda Xarshin Dhamme Daahir Ciise Aadan”

Taliyaha degmadda Xarshin Dhamme Daahir Ciise Aadan ayaa ciidamada booliska Somaliland ku ammaanay sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen inay gacanta ku dhigaan gaadhigaas oo in muddo ah la daba socday waxaanu yidhi.  “Gaashaanle dhexe Maxamed Xuseen Cali aad iyo aad ayaan kugu mahad celineynaa sida kalsoonidda leh ee aad wax noogu soo qabateen,  oo ah laba Taangi iyo Tuugi soo dhacayba xidhiidhka iyo wanaaga iyo wada shaqeynta aynu laheyn awgeed”

Leave a Reply