Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO oo Heshiis Wada Gaadhay

0
462

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda Horumarint caafimaadka Somaliland iyo Hay’adda cafimaadka adduunka ee WHO,ayaa wada gaadhay heshiis ay ku wada shaqayn doonaan Somaliland iyo WHO oo gaar u ah Somaliland iyo WHO isla markaana aan cid kale soo marin.

Heshiiska wasaaradda horumarinta caafimadka Somaliland iyo Hay’adda WHO,ayay labada dhinac wada gaadheen ka dib markii wefti sare oo ka socday hay’adda WHO uu dalka socdaal ku yimi isla markaana ay kulan wada yeesheen madaxda wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Wasiirka  Wasaarada  Horumarinta  Caafimaadka  Somaliland  Proff:Cumar  Cali Cabdilaahi  Bade  iyo  Agaasimaha  guud  ee  Wasaarada    Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye    ayaa  kulan  la  yeeshay Saraakiil  ka  socotay     Hay,adda  Caafimaadka  Adduunka  ee  WHO.

Wasiirka  Wasaarada  Horumarinta Caafimaadka  Cumar Cali  Cabdilaahi oo  kulankaasi ka dib  Warbaahinta la hadlay   ayaa   sheegay  in ay ka  Wadahadleen  Masuuliyiinta  ka socday  Hay,adda Caafimaadka  Adduunka ee Qaramada Midoobay ee  WHO  kor  qaadista adeeg  bixinta   Caafimaadka  dalka,waxaanu    intaa  ku daray in  isbedel  ay ku samayn  doonaan  adeeg  bixinta  Caafimaadka.

Wasiirka oo ka hadlayay arrimaa ay weftiga WHO ka wada hadleen,ayaa yidhi“Waxaanu  ka  wadahadalnay  Hay,adda  WHO  sidii  loogu  gudbi  lahaa  Nidaamka  la  yidhahdo  Caafimaadka  aasaasiga ah   ee  loo  dhanyahay  oo  Adduunku  imika  u  gudbay  arimahaas  ayaanu  ka  Wadahadalnay  oo  la  xidhiidha  Tababbarada  Dhismayaasha iyo  kor  u qaadista iyo  isku  xidhka Maamulka   iyo   Tayaynta  Caafimaadka   iyo  adeeg  bixinta  Caafimaadka,waxaanu    isla  garanay  in  arrimaha  aanu ka wadahadalnay  ay  noqdaan  arrimo u  gaar ah  Somaliland  oon  cid  kale  ku  xidhnayn  oo  uu  noqdo  nidaam  aanu  ku  wada shaqayno taas   ayaanu  isku waafaqnay waana  weftigii  ugu  Sarreeyay  ee ka  socda  Hay,ada  WHO  ee  inoo  yimaadda  waxaana   ka  go,an    in  aynu  wax ka bedelno  Adeeg bixinta  Caafimaadka.waxaanan  aamminsannahay  in  isbedel   ku iman  doono Nidaamka  Caafimaadka  Somaliland  kaas  oo ay  gacan     wayn  ka  gaysan  doonto  Hay,adda  WHO,waxa  kale  oo  aanu  ka Wadahadalnay  Masuuliyiinta  ka  socday  Hay,adda  WHO   siday    gacan  uga  gaysan  la haayeen adeeg  bixinta  Caafimadka  Somaliland     mid  farsamo  iyo  mid  kaleba  waxaanay  qiimayn  ku sameeyeen  nidaamka  caafimaadka  dalka Somaliland,”.

Dhina kale   Beter  u hadlay weftiga       Hay,adda  WHO ayaa    Sheegay  in  masuuliyiinta  Wasaarada  horumarinta Caafimaadka ay  isku  afgarteen  sidii  Somaliland ay ugala  shaqayn  la haayeen  qorshe  cusub  oo ku  waajahan  dhinaca  Caafimaadka  iyo  daryeelka  goobaha  Caafimaadka  oo  ay  soo kormeereen.

 

Leave a Reply