“Shacabka reer Taleex, waxaan u sheegayaa xilkii aan u hayay Puntland iyo wixii aan uga doonay, in aan ku soo guul darraystay, oo wixii xaq ay lahaayeen aan meeshaa (Puntland) ka soo waayay..” Masuulka Puntland ka soo goostay

0
440

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan):- Masuul sare oo ka tirsanaa Maamulka Puntland oo ka soo goosty ayaa lagu soo dhaweeyay Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Masuulkii maamulka Puntland ugu magacawnaa magaaladda Taleex ayaa ka soo goostay maamulkaasi, iskuna soo dhiibay maamulka gobolka Sool ee Somaliland.

Iimaan Cali Faarax, ayaa markii uu soo gaadhay magaaladda Tukaraq ee gobolka Sool waxaa halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamadda Somaliland ee aagaasi fadhiya iyo sidoo kale maamulka Tukaraq.

Iyadoo intaa kadibna loo soo gelbiyay dhinaca magaaladdda Laascaanood halkaasoo uu ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ay  wehelinayeen masuuliyiin kale.

Masuulkan ka soo goostay Puntland oo markii lagu soo dhaweeyay magaaladda Tukaraq warbaahinta dawladda la hadlay ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii iyo masuuliyadii uu maamulka Puntland ee Soomaaliya uu ugu magacawnaa.

Waxaanu yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay in aan mar labaad deegaankaygii, oo aan muddo fara badan ka maqnaa dib ugu soo laabto.

Shacabka reer Taleex waan salamayaa,  waxaanan u sheegayaa xilkii aan u hayay Puntland iyo wixii aan uga doonay, intiiba in aan ku soo guul darraystay, oo wixii xaq ay lahaayeen aan meeshaa (Puntland) ka soo wayay.

Waxaanan u sheegayaa in ay iimaansadaan  Somaliland. Waxaanan leeyahay waxaan wax ku leenahay Somaliland. Puntland waxaan ka waayay hal Daar oo aan isku soo sawiro, oo aan idhaahdo Puntland ayaa samaysay”.

Geesta kale masuulkani ka soo goostay Puntland ayaa markii uu soo gaadhay magaaladda Laascaanood waxaa qaabilay Guddoomiyaha gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo xarunta gobolka soo dhawayn ugu sameeyay masuulkan ka soo goostay Puntland ayaa ku ammaanay masuulkaasi go’aanka uu dalkiisii iyo dadkiisii dib ugu soo noqday.

“Iimaan Cali Faarax, waanu soo dhawaynaynaa. Waxaanan leenahay ku soo dhawoow deegaankaagii. Waxaad timid dhul ammaan iyo nabadgelyo ah, waxaanad ka soo baxday dhulkii fawdadda iyo dhibaatada.

Garashadda aad garatay in aad dhulkaagii iyo dadkaagii ku soo noqoto, waan kugu soo dhawaynaynaa”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

 

 

 

Leave a Reply