Badhasaabka Sool Oo Laascaanood Ku Soo Dhaweeyay Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland

0
919

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa shalay ku soo dhaweeyay xarunta taliska ciidamadda booliska Sool ciidamo ka soo goostay dhinaca maamulka Puntland.

Ciidamadan la soo dhaweeyay ayaa magaaladda Boocame ee gobolka Sool u joogay maamulka Puntland, kuwaasoo todobaadkii hore u soo goostay dhinaa Somaliland.

Waxaanay ciidamadaasi soo goostay si rasmiya uga mid noqonayaan ciidamadda booliska Somaliland  ee gobolka Sool. Kuwaasoo tiradoodu dhamayd 25 askari oo qoryahoodii ku hubaysan.

Soo dhawayta ciidamadaasi oo ka qabsoontay xarunta maamulka gobolka Sool iyo taliska qaybta booliska Laascaanood, waxaa badhasaabka Sool ku wehelinayay maayarka Laascaanood, taliyeyaasha ciidamadda booliska ee gobolka Sool iyo nabad sugidda.

Ciidankan oo ka soo kicitimay degmada Boocame, ayaa intii aanay soo gaadhin caasimmadda gobolka Sool ee Laascaanood waxaa lagu soo dhaweeyay jiida Tukaraq oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka qaranka Somaliland.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay oo ay kula kulmeen taliyaha Jiida hore ee degaanka Tukaraq.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in sidii madaxweynaha Somaliland uu balan qaaday xukuumadda ka go’an tahay in meel kastoo dhulka Somaliland ka mida ay nabadgeliyadu gaadho.

Waxaanu tilmaamay in degmadda Boocame ay muhiimad gaara u leedahay guud ahaanba Somaliland gaar ahaana gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Sida aan og nahay degmadda Boocame waxay ka mid tahay degaamadda ugu muhiimsan gobolka Sool. Haday noqoto meesha ay ku taallo, iyo haddii ay noqoto degmadda baaxadeedda iyo balaadhkeedaba.

Jamhuuriyadda Somaliland sidii uu madaxweynuhu bah ore u balan qaaday, waxaa ka go’an Taako kastoo dhulkeena ka mida, in nabadgeliyadu gaadho. Marka nabadgeliyadu gaadha na, in horumarku gaadho.

Maanta Boocame waxay ku tallaabsatay in nabadgeliyadii gaadhay, nidaamkii dawliga ahaa iyo maamulkii si rasmiya uga taabo gashay. Maamulka degamadu na shaqo fiican ayuu soo qabtay”ayuu ydhi badhasaabka Sool.

Badhasaabka ayaa ugu baaqay ciidamadda u dhashay gobolka Sool ee weli ku sugan degaamadda Puntland in ay dadkoodda iyo degaankoodda yimaadaan si ay ugu noolaadaan karaamo.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ku boorinayaa askarta degaamadeena u dhashay, ee weli baaqiga ku sii ah maamulkaasina inay yimadaan degaamadooda, oo aannu ugu heellan-nahay,  si ay ugu nooladaan karaamo”.

Geesta kale C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu bushaareeyay ciidamadan ka soo goostay Puntland in aanay ku dhici doonin mushahar la’aan danbe, isla markaana ay ka mid yihiin ciidamadda booliska Somaliland.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Mar haddii aad gacanta Somaliland soo gasheen, mushahar danbe oo aad waayaysaan ma jirro.

Saacadaa imika wixii ka danbeeya na ciidamadda booliska Somaliland ee gobolka Sool ayaad ka mid tihiin, gaar ahaana degmadda Boocame. Waanan idin soo dhawaynaynaa”.

Taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Sool Axmed C/laahi Cabdi, soo dhaweeyay ciidamadan ka soo goostay Puntland oo uu tilmaamay in ay dhulkoodii, dadkoodii iyo dawladoodii u yimaadeen.

“Boocame, waa degmadii ugu bariyaysay oo ciidankeedii ay soo goosteen. Aad baan u soo dhawaynaynaa. Dalkoodii bay yimaadeen, dadkoodii na way u yimaadeen.

Sidaa darteed, waan ku soo dhawaynaynaa Laascaanood oo magaallo madaxdii gobolka Sool ah.

Maanta laga bilaabo, ciidankani waa la sawirayaa askari kasta, file na waa loo samaynayaa. Manta laga bilaabo, xubin ciidanka booliska jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan ayuu noqonayaa.

Iyaga na waxaan ka rejaynayaa waxa ciidanka bilayska Somaliland qabto, wax la mida in ay qabtaan iyo wax ka sii wanaagsan”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska Sool.

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa isna ka hadlay goobtii ciidamadan lagu soo dhawaynayay. Waxaanu yidhi,  “Ciidankan baaxadan leh, ee ka soo goostay Puntland, ahaana ciidankii ka hawl geli jiray, saldhigii booliska Puntland ee Boocame, maanta na dalkoodii, dadkoodii iyo magaaladoodii ku soo biiray.

Waxaan leenahay marka koowaad, waan idiin hanbalyaynaynaa. Marka labaad na soo dhawaadda. Dalku waa dalkiinii, magaaladu waa magaaladiinii. Manta ayaad soo wareegteen, wixii ka danbeeyana xuquuqdiinii ciidannimo  iyo waajibkii qof kastoo ciidan ah, ku waajibay ayaad leedihiin”.

Dhinaca kale sarkaalkii xukumayay ciidamadan soo goostay oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay iyagu go’aansadeen in ay ku soo biiraan ciidamadda Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Ciidankani waa ciidankii ka hawl geli jiray degmadda Boocame ee Puntland. Ka bacdi waxaanu goosanay in aanu ku soo biirno dawladda Somaliland, kana mid noqono ciidankeedda”.

 

 

Leave a Reply