“Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxaa Kelyaha loogu Sifeeyaa Tobaadkii 31-qof”

0
474

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Cisbitaaka guud ee Hargeysa Dr.Yaasiin Carab Cabdi, ayaa caddeeyay in todobaad kasta ay sododn iyo kow qof u sameeyaan adeeg caafimaad, adeegaasi oo kelyaha loogu sifeeyo dadka bukaanka ah.

Waxaanu sheegay in boqolka doollar ee u horeeya ee is diwaan gelinta ah mooyaane aan wax danbe laga qaadin, muwaadiniinta loo sifeynayo Kelyaha.

Agaasimaha cisbitaaka guud ee Hargeysa Dr.Yaasiin Carab Cabdi waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay tirade dadka kelyaha loo nadiifiyo todobaad kasta, “Maalinta Jimcaha marka laga reebo kow iyo soddon qof ayaa Kalyaha loo sifeeyaa, maalinba soddon iyo kow qof ayaa Kelyaha loo sifeeyaa, waxaana qofkii ba kelyaha loo sifeeyaa afar saacaddood. Saddex xili shaqo ayaa hawlaha loo qabtaa dadka Kelyaha ka buka.”

Agaasime Dr. Yaasiin waxa uu intaasi ku daray “Bukaankaasi lacag la’aan ayay ku helaan adeefga sifeynta Kelyaha, qofkaasi marka ugu horreysa ee uu soo galo ayaa boqol dollar laga qaada, waxa danbe hadii uu sanad joogo iyo hadii uu toban sanadood googaba ba shilin lagama qaado”

Leave a Reply