Hargeysa: Dawladda Hoose oo bilowday Ololle lagu bannaynayo jidadka

0
606

By: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (Dawan)-Saraakiisha Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, ayaa hogaaminayey ololle shalay subaxnimadii hore  laga bilaabay waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada,kuwooda xidhan, kaasoo lagu banaynayo jidad muhiima oo dib u dhis lagu samaynayo.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in olollahan  lagu banaynayo waddooyinka suuqa weyn ee isku-xidha labada waddo ee wadnaha magaalada.

Gaadiidka kala duwan ee dawladda hoose ayaa ku waaberistay badhtamaha suuqa arroornimadii hore, waxaanay halkaasi laga fuliyey waddo-banayn laxaadle, iyadoo dadkii wadada hareereheeda degenaa inta badan ka sii furfurteen wixii uga dhisnaa, kaddib markii digniin lagu siiyey.

Bannaynta waddooyinka waxa xigi doona in la dhiso laamiyada burbursan, loona sameeyo meelo ay biyuhu ka degaan, sida ay sheegeen saraakiisha howl-galkan fulinaysay.

Khadar Yusuf Cali Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada iyo bilicda oo isagu horkacayey olollahan, ayaa qalabka warbaahinta la hadlay xilli ay howshu socotay “waxaan aad ugu mahad-naqayaa dadkii wadada hareereheeda degenaa oo ay 80% u dhego-nuglaadeen amarkii maayirka iyo wargelintii la siiyey, intii kalena waataa saaka la rarayo. howshani waxay bilow u tahay ololle laga fulin doono waddooyinka caasimada oo dhan maalmaha soo socda”ayuu yidhi Khadar.

Xubno kamida guddoomiyeyaasha degmooyinka Olollahan laga fulinayo, ayaa bulshada ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan dawladda hoose kor u qaadista bilicda iyo nadaafada,doorkoodana ka qaataan horumarinta jidadka magaalada.

“guud ahaan waxa la banayn doonaa waddooyinka u dhexeeya wadada koowaad (Main road) iyo wadada labaad ee caasimada, kuwa bari u socda iyo kuwa koonfur u socda, iyadoo isla bishan uu dhismahoodu u bilaabi doono”ayuu raaciyey Khadar Yusuf Cali.

“Olollani wuu sii socon doonaa ilaa laga dhamaystirayo oo is daba joog ayuu noqon doonaa , sida uu nagu hogaaminayo maayirka Caasimada Hargeysa”ayuu mar kale sheegay.

Howsha waddo banaynta waxa iyaguna ka qayb-qaadanayey Ciidanka amaanka iyo kuwa dab-damiska oo ku sugnaa meelaha howlgalku ka socday.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa bilihii u dambeeyey ku howlanayd dayac-tirka waddooyinka magaalada ee burburay, wallow marka la eeggo baaxada ay leeyihiin waddooyinkaasi aanay wakhti dhow ka geyoonayn howshooda, dadkuna inta badan ku eeddeeyaan fadhiidnimo iyo in ay ka gaabiyeen golaha deegaanku shaqadii loo igmaday.

 

Leave a Reply