Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Ahmiyadda Xeerka Saxaafaddu Qaranka u Leeyahay

0
569

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa ka hadlay ahmiyadda uu qaranka u leeyahay xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana soo dhaweeyay in xeerkaasi dhaqan gal noqdo oo la ansixiyo inta uu xilka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta uu haya.

Waxaanu sidaa ka sheegay Kulan lagaga hadlayay xeerk Saxaafadda oo ay uu soo qaban qaabiyay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Kulankaas oo shalay ka qabsoomay Magaalada Hargaysa oo hal maalin socday oo uu soo Qabanqaabiyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayay ka soo qayb galeeb Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto iyo Ku Xigeenka Garyaqaanka guud ee Qaranka Xuseen Maxamed Jaamac Belel iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqaanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hadal ka jeediyay furitaankii kulanka ayaa yidhi.“Waxaan jecellahay in uu socdo sharciga Saxaafada oo inta aan joogo la ansixiyo sharaf ayay ii tahay waxaan ogahay oo kale in aan wasaaradda ka tegayo waana in xeerkaasi aanu noqon wax aan anigu leeyahay ee uu noqdo wax dadku leeyhay,”.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa sheegay in lagu falaqayn doono sidii xeerka Saxaafadda loo meel marin lahaa.waxaanu yidhi“Kulankan ujeedadiisu waxa weeye in la meel mariyo xeerka Saxaafada Somaliland oo maalin walba qaylo dhaanteedu ay taagan tahay in wax badan uu ka tarayo.”.

Ku Xigeenka Garyaqaanka guud Qaranka Xuseen Maxamed Jaamac Belel ayaa sheegay in Xeerka Saxaafada Somaliland uu soo maray dib u eegis lagu sameeyay.waxaanu yidhi“Xeerkan Saxaafada Somaliland jaran jarooyin iyo dib u eegisba wuu soo maray laakiin waxa uu ku dambeeyay gacanta Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta xafiiska Garyaqaanka guud waxa uu Xukuumadda kala Shaqeeyaa Xeerarka.”

 

Leave a Reply