Xasan Ciise oo loo Xushay Safiir u Ololeeya Waxbarashadda Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba

0
666

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno), ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ay, isla qaateen in u noqdo safiir u ololeeya dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in ay ka wasaarad waxbarasho ahaan ay awoodda saari doonto, dedaalada kor loogu qaadayo daryeelka iyo waxbarashada ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxyaabaha mudnaanta u ah wasaaradda waxaa ka mida, carruurta u baahan in la soo gaadhsiiyo carruuraha kale, taas ayaa mudnaanta koobaad ah, waliba sannadkan iyo sannadaha soo socdaba, waliba kuwa baahiyaha gaarka ah qaba haday yihiin, kuwa Indhaha la’, kuwa dhagaha la’ ama xubnaha jidhka qaarkood, kuwa fahankoodu yar yahay in kuwa kale la soo gaadhsiiyo.”

Wasiirka oo ka hadlayay shir uu xafiiskiisa ku qabtay oo lagaga hadlayay xaaladda carruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo waxyaabihyii ka soo baxay waxa uu yidhi “Waxaa aan xafiiskeyga ku qabanay shir lagaga hadlayey carruurta baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana shirkaasi joogey madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, mudane Xasan Ciise Jaamac oo carruur baahiyaha gaarka qaba la socdeen oo doonayay in wax lala qabto. Markaa Xasan Ciise Jaamac waxaa aanu isla garanay in uu u ololeeyo ubadka baahiyaha gaarka ah qaba, oo uu ambasator u noqdo miisaaniyadeenana waa ay ku dartay dawladdu oo mudnaantay siisay oo carruurta baahiyaha gaarka ah qaba mudnaanta ayay siisay, oo Somaliland oo dhan wax loogu qabanayo oo dugsiga Indhoolayaashu uu ku jiro, waxaa kale oo aanu xidhiidh la sameynay hay’addo caawiya carruurta baahiyaha gaarka ah qaba”

Leave a Reply