Duqa Degmada Borama oo ka Hadlay Askari la Toogtay Xili uu Gudanayey Waajibaadkiisa Shaqo

0
447

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Duqa degmadda Borama mudane Saleebaan Xasan Xadi, ayaa ka hadlay askari ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland oo dil loogu geystay dhinaca galbeed ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ku raadjoogaan cidii geysatay dilka askarigaasi, waxaanu shacabka ugu baaqay in ay gacan ka siiyaan dawladda soo qabashadda cidii ka danbeysay falkaasi foosha xun.

Waxaanu tacsi tiiraano leh u diray ehelkii qaraabadii iyo dhamman bulshaweynta reer Somaliland ee uu ka baxay askarigaasi.

Duqa degmadda Borama mudane Saleebaan Xasan Xadi, isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Marka hore waxaan leeyahay ALLE haw naxariisto, askarigiii shaqada Qaran ku dhintay gacanta ka gardarani ay dishay ayaa ILLAAHEY uga baryaya inuu janadiisa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo, askarigaasi waxaa uu ilaalinayey Konbaniga biyo gelinta galbeedka magaalada Borama, shaqo Qaran ayuu fidinayay dhab ahaantii, gacan ka gardarana waa ay aheyd, dawladuna waa ay ku daba jirta go’aanka aanu qaadaneyna waxaa weeyaan in meelkasta oo uu gallo cidii ku lug laheyd in aan lagaga hadhin, qofkasta oo ay gasho.

In badan ayaa bulshadda la dhawray shacbiga la ilaaliyey lana damcay in laga dhex shaandheeyo inta xun, hadii aanay shacabku tilmaami karin kuwa xun ee ku jira xukuumaddu waxaa ay go’aan ku gaadhay in marka meesha laga dhex-saaro cidii xun, waana cid ka soo horjeeda horumarka gobolka ka socda ee biyo gelintaasi oo sodon sano wax ka badan loo qaylinayay, oo waddadii bilaabmeyso waana cid ka soo horjeeda horumarka Qaranka Somaliland gaadhay, gaar ahaan horumarka gobolka Awdal cidii wanaaga jecela waxaa aanu leenahay halagu gacan siiyo dawladda sidii hawshaasi wax looga qaban lahaa”

 

Leave a Reply