Jawaabta Xukuumadda ee Jir-jirroolaynta Xisbiyada Mucaaridka

0
441

“Madaxweynuhu cid uu ka aarsaday ma jirto, madaxweyne aarsadana lama arrag…” Wasiirka Gaadiidka

 

 

Qore. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay ka go’naanshiyaheeda qabsoomida Doorashada Baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka oo ay caqabadaha hortaagan ku eeddeysay Xisbiyada mucaaridka.

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo Salaasadii shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada, ayaa isaga oo daba socda hadal ka soo yeedhay hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa in Madaxweynuhu ku kacay waxa uu ku tilmaamay aar-goosi siyaasaddeed, jawaab adag ku beyaamiyey in aanu madaxweynuhu ku kicin aargoosi iyo wax loo aaneeyo toona, sabab uu cid uga aargoostaana jirin.

“Madaxweynuhu cid uu ka aarsaday ma jirto, madaxweyne aarsadana lama arrag oo dalkaba isagaa xukumee yuu ka aarsanayaa, markaa hadalkaa waxba kama jiraan”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor.

Dhinaca kale, Wasiir Cabdilaahi Abokor waxa mar kale uu si qoto dheer u faahfaahiyey qorshaha xukuumadda ee qabashada Doorashooyinka muddo-dhaafay ee Wakiillada iyo doorka mucaaridku ku leeyahay dib-u-dhacyadooda, waxaanu tilmaamay in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ilaa markii ay talada la wareegeen diyaar u ahaayeen qabashada doorashooyinka, hase ahaatee aanay mucaaridku ilaa hadda diyaar u ahayn, taasina sabab u tahay horayso iyo dambeysaba qabsoomid la’aanta Doorashooyinkaasi.

“Kulankii ugu horeeyey ee golaha Wasiirrada markii xukuumaddu xilka la wareegtay, madaxweynuhu wuxuu nagu dardaaray in Doorashada la gelayo, labadii sannadood ee xukuumaddu jirtayna miisaaniyada waa loogu daray kharashkii Doorashada ku baxayey”ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray “Xukuumaddu waxa kale oo ay toban bilood ka hor saddex kulan oo aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada loo qabtay ka gashay, sidii xeerkii Doorashada ee wax-ka-bedelka lagu sameeyey 2010-kii dib loogu soo celin lahaa, toban biloodbuu horyaallaa Golaha Baarlamanka.

Markaa waxyaabaha caqabada ku ah in doorasho dalka ka dhacdo waxaan aaminsanahay in ay tahay Xisbiyada mucaaridka oo doonaya in buuq siyaasi ah uun lagu jiro, markaa xukuumaddu waxay garatay in aanay ku mashquulin buuqaas siyaasiga ah oo laba sannadood aynu ku jirnay, in saddex sannadood oo kale aynu ku sii jirnana aanay haboonayn.”

Wasiirku, isagoo hadalka sii watay, waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu hadda u jeedsatay in ay sii xoojiso sidii dalka looga saari lahaa faqriga iyo sicir-bararka, isla markaana aanay doonayn in wakhti dambe kaga lumo muranka mucaaridka ee madhalayska noqday.

Waxaanu yidhi “sidaas awgeed iminka waxaanu diirrada saaraynaa sidii dalka looga samayn lahaa horumar ee bulshada loogu adeegi lahaa. taas ayaa sababtay in bishii la soo dhaafay gobolka Sanaag laga dhagax-dhigay todoba mashruuc oo horumar ah oo ay kamid yihiin gurigii martid, Xafiiskii xeer-ilaalinta, uu kamid yahay garoonkii kubadda cagta, ay kamid tahay Dekeda Maydh, oo ay kamid tahay wadada Tabca road oo kharashkii loo diyaariyey qalabkeediina yimi”.

“Markaa iminka dawladdu waxay ku mashquushay horumar, diyaarbaanay u tahay in ay doorashada qabato, laakiinse siyaasad ma dhalays ah oo maalinba buuq kale mucaaridku abuurayaan wakhti ku lumin mayso, markaa Xukuumaddu diyaarbay u tahay in ay qabato Doorashada ee mucaaridka ayaa caqabad ku ah oo muran ma-dhalays ah laba sannadood la taagan.” ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor oo intaasi raaciyey “maanta waxay leeyihiin guddidii hore ee ay labada sannadood diidanaayeen hala soo celiyo, berina waxa ay odhan doonnaan Komishanka iminka ay diiddan yihiin ayaa fiicnaa”.

Hadalka Wasiirka, ayaa yimi maalmo kaddib markii uu hogaamiyaha xisbiga WADDANI, guddida doorashada ee cusub ugu baaqay in ay iskood isu casilaan, isagoo ka garaabay mowqifka madaxweynaha ee ah in aanu dhibaato u arrag oo uu aqbalayo haddii ay iskood isu istiqaalad u soo gudbiyaan xubnaha Guddida doorashada ee shaqada la wareegay.

Leave a Reply