Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Arrimaha Amaanka, Dhaqaalaha iyo Siyaasada Geeska.

0
673

Hargeysa(Dawan):- Khudbad sannadeedka Distooriga ah ee Madaxweynaha ayaa u dhignayd Sidan:-

Waxa sharaf iyo xurmo ii ah inaan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan ka jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee sannadka 2020.

Sannad waliba waayo leh, Sannadkii 2019-ku waxa uu ugu suntan yahay Jamhuuriyadda Somaliland, sannad nabadeed, midnimo iyo sannad la gaadhay guulo diblomaasiyadeed oo Qaran.

Mandaqadda aynu ku nool nahay iyo guud ahaan adduunkaba, waxa ka socda isbedel dhaqan-dhaqaale iyo is-xulafaysi siyaasadeed, oo dhalan-rogi kara wajiga maanta adduunku u yaallo. Somaliland, kama gaabin in ay noqoto foolaadka isbedelka ka dhacaya adduunka iyo in ay yeelato saaxiibo siyaasadeed oo cusub.

Khudbadda Dastuuriga ah ee sannadkan waxa ay ka kooban tahay:

1. Dhaqaalaha

2. Adeegyada Bulshada

3. Nabad-gelyada

4. iyo Arrimaha Dibedda

1. Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka iyo isbedelka nololeed iyo bulsho ee dal kasta. Sidaa darteed, Xukuumadda JSL waxa ay xooga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka:

§  Hal-beega Cabirka Dhaqaalaha (GDP) ee JSL waxa uu kordhay 2% labadii sanno ee ugu dambeeyey. Halka koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika ay Qaramada Midoobay ku qiyaastay sannadkii 2019-ka 3.4%. Taas oo muujinaysa in Somaliland koboceeda dhaqaale uu kordhayo, iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale oo u gaar ah Jamhuuriyadda Somaliland.

§  Waxa lagu guulaystay in Sicir Bararku ka soo dago 19%, lana gaadhsiiyo 4% sannadkii 2019-ka.

§  Waxa sidoo kale lagu guulaystay in qiimaha Shillinka Somaliland kor loo qaado qiimihiisa 21% sannadkii 2019-ka.

§  Dakhliga dalku waxa uu ka kor-maray odoroskii miisaaniyadda sannadka 2019-ka 4.5%. Taas oo muujinaysa dadaalka iyo awooda hay’adaha dakhli ururinta Qaranka.

§  Waxa Miisaaniyadda Qaranka ee sannadkii 2019-ka laga maal-geliyey mashaariic qiimahoodu gaadhayo 152,040,135,320 SL. Shilling, oo dhammaanteed Qaranku bixiyey.

§  Waxa Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2020-ka laga maal-gelin doonaa mashaariic qiimahoodu gaadhayo 158, 827,455, 889 SL. Shillings.

§  Waxa la hirgaliyey Nidaamka Maamulka Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaan (PFM), oo wax weyn ka tari doona hagaajinta nidaamka maaliyada dalka, cashuur qaadista, kordhinta dakhliga, beekhaaminta kharashaadka Dawladda, awoodda adeeg-bixinta, hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa jira caqabado dhaqaale oo waaweyn oo u baahan in si Qaran looga wada tashado. Waxaynu nahay dal aanu isku dheeli-tirnayn dhoofintiisa iyo soo-dejintiisu.

Tusaale ahaan, sannadkii 2019-ka waxa dibedda innooga timi badeecad qiimaheedu dhan yahay $572,713,970 oo ku qiimaysan (Customs Import – Export Value), waxaynu dhoofinay badeecad qiimaheedu dhan yahay $211,732,852, faraqooduna waa ($360,981,118), taas oo innagu ah dhiig-bax dhaqaale.

Haddaba, si aan uga baxno dheeligaa ganacsi (Trade Imbalance) waxa aannu dheerigalinaynaa wax-soo-saarka iyo warshadaynta dalka. Waxaana loo sameeyey cashuur dhaaf gaadhaya qiime ahaan 15 Million oo dollar warshadaha yar-yar ee Dalka laga yagleelayo iyo alaabooyinka qaydhin ee ay isticmaalaan warshaduhu.

2. Wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga

Xukuumaddu waxa ay xoogga saartay dhiiri-gelinta kobaca wax-soo-saarka beeraha, daryeelka Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Sidaa darteed:

§  Waxa 42,000 oo saacadood iyo shinni bilaash ah la gaadhsiiyey beeralayda Gobollada Dalka oo gaadhaya 14,000 qoys.

§  Waxa 7 Cagaf la guddoonsiiyey Iskaashatooyinka beeraha magaalooyinka Beerato iyo Beer ee Gobollada Daad-madheedh iyo Togdheer.

§  Waxa 4,750 Mitir oo tuunbooyin ah iyo 85 Mishiinnada Biyaha ah la guddoonsiiyey 170 Qoys oo kala jooga Gobollada Dalka.

§  Waxa cuduro kala duwan laga tallaalay 3 million oo neef oo xoolo ah, waxaana ka qayb galay 38 kooxood oo ah hawl-wadeenada caafimaadka Xoolaha ah.

§   Waxa la daweeyey 1,500,000 oo neef oo iskugu jira Adhi, Geel, Lo’ iyo Fardo.

§  Waxa calafka Xoolaha lagu naaxiyo loo qaybiyey 19,550 qoys oo ah xoola dhaqato kala jooga Gobollada Dalka.

§  Waxa Xukuumaddu soo iibisay Afar doonyood oo loogu tala-galay Tababarka Kalluumaysatada Dalka.

3. Kaabayaasha Dhaqaalaha

Kaabayaasha dhaqaaluhu; sida waddooyinka, dekadaha iyo garoomada diyaaraduhu waxay qayb weyn ka qaataan horumarka Dalka. Sidaa darteed:

§  Waxa si xawli ah u socota ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera, waxaana dhammaaday 43% Wajigii Koowaad ee dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo ka kooban 400 oo Mitir.

§  Waxa la dhisay 7% ka mid ah Marinka Dhaqaale ee Berbera Corridor ee isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.

§  Waxa dhawaan la bilaabi doonaa dhismaha 22.5 KM oo waddo ah oo qayb ka ah Marinka Dhaqaalaha ee Berbera Corridor, oo ka leexan doona Magaalada Hargeysa, si culayska iyo samxadda gaadiidka xamuulka ah looga yareeyo Caasimadda Dalka.

§  Waxa Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ku heshiiyeen in Madaarka Berbera laga dhigo Madaar Caalami ah oo ay adeegsadaan Shicibka iyo Badeecadaha iskaga gooshaya Gobolka, Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba.

§  Waddada Burco – Ceerigaabo waxa la dhisay 107 Km intii Xukuumaddani xilka haysay, waxaana hore u dhisnaa 94 Km, oo isku noqonaya 201 KM.

§  Waxa la dhisay 49 Km oo ka mid ah waddada isku xidha Hargeysa-Kalabaydh.

§  Waxa dhammaad ku dhaw Dhismaha Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Camuud.

§  Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyey jidka isku xidha Laascaanood iyo Tuula-Samakaab iyo Adhi-caddeeye.

§  Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyey Biriishka labaad ee magaalada Burco oo roobabku khasaare gaadhsiiyeen.

§  Waxa la wadaa mashruuc casri ah oo lagu xakamaynayo xawaaraha gaadiidka. Shilalka gaadiidka oo soo badanaya darteed, sannadkii 2019-ka waxa innagaga dhintay 274 qof.

4. Adeega Bulshada

a. Horumarinta Caafimaadka

Iyada oo laga duulayo muhiimadda uu daryeelka iyo kor u qaadidda adeegyada Caafimaadku u leeyihiin bulshada, Xukuumaddu waxa ay xooga saartay sidii ay dadweynuhu u heli lahaayeen adeegyo Caafimaad oo tayo leh, dhaqaale ahaana la awoodi karo. Sidaa darteed:

§  Waxa mudnaan gaar ah la siiyey adeegyada caafimaad ee qaybaha bulshada ee nugul, sida xarumaha daryeelka hooyada uurka leh iyo dhallaanka.

§  Waxa si rasmi ah xarumaha caafimaadka dawliga ah looga shaqaalaysiiyey 512 xirfadlayaal caafimaad ah oo kala jooga Gobollada Dalka.

§  Waxa tababaro aqoon korodhsi ah la siiyey 3,100 Xirfadlayaal Caafimaad ah, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee ay bulshada JSL helaan.

§  Waxa cudurada faafa laga tallaalay caruur tiradoodu gaadhayso 733,654 caruur ah oo da’doodu ka hoosayso shan jir, tiradaas oo 10% ka badan caruurta la tallaalay sannadkii 2018-ka.

§  Waxa cisbitaallada, xannaanooyinka iyo rugaha caafimaadka lagu daweeyey 526,273 qof oo iskugu jira Bukaan-socod iyo Bukaan-jiif.

§  Waxa markii ugu horaysay 10 caruur ah loogu sameeyo qaliin dhinaca wadnaha ah magaalada Hargeysa. Adeegaas oo dhammaantii Xukuumaddu kafaalo qaaday kharashkiisa.

§  Waxa la hirgaliyey 22 xarumo caafimaad oo cusub oo bixin doona adeegyo caafimaad.

b. Waxbarashada

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Waxbarashadu waa furaha horumarka waara iyo iftiinka nolosha badhaadaha leh. Horumarka uu aadamuhu gaadho waxa inta badan suurto-geliyey tayada waxbarashada ee Dal kastaa leeyahay.

Xukuumaddu iyada oo maanka ku haysa ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka Qaranka iyo nolosha jiilka da’da yar ee dalkan:

§  Waxa la hirgaliyey Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka, waxaana lagu bilaabay 400 oo macallin oo ka kala yimid dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, si loo tayeeyo waxbarashada aasaasiga ah.

§  Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 450 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada Dalka, iyaga oo lagu xulay sida ay u kala sareeyaan dhibcaha imtixaamaadka shahaadiga ah.

§  Waxa bishii February 2019-ka si rasmi ah u bilaabmay in arday kasta oo dhigta Dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawliga ahi helo buugaagta manhajka waxbarashada Dalka. Waxa sannadkan la gaadhsiiyey 100,200 oo buug arday gaadhaysa 153,077 arday oo kala jooga dhammaan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

§  Waxa la shaqaalaysiiyey 400 oo macallin oo cusub, si loo kordhiyo fiditaanka adeegga waxbarashada Dalka.

§  Waxa la dhisay 201 fasal oo cusub oo lagu kordhiyey 102 dugsi oo ku kala yaala Gobollada Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Saaxil.

c. Horumarinta Biyaha

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Waxa aynu dhammaanteen ku qanac-sanahay in biyuhu yihiin nolosha koowaad ee Aadamaha. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay dadaal dheeri ah galisay biyo soo-saarka iyo biyo ballaadhinta magaalooyinka iyo miyiga Dalka.

§  Waxa la qoday 32 Ceel oo ah kuwa dhaadheer.

§  Waxa la dayactiray 66 Ceel oo ah Ceelal dhaadheer.

§  Waxa sahamintooda la dhammaystiray 33 Ceel oo ah ceelasha dhaadheer.

§  Waxa la qoday 8 Dhaam oo cusub, waxaana la dayactiray 12 Dhaam.

§  Waxa la qoday 153 Barkadood oo cusub, waxaana la dayactiray 203 Barkadood oo hore u jiray.

§  Waxa biyo ballaadhin laga hirgaliyey magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Borama.

§  Waxa meel fiican oo lagu diirsado maraya biyo ballaadhinta magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanu u qaybsamaa mashruucaasi laba qaybood oo kala ah, Biyo soo-saarka iyo soo gaadhsiinta Biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana dhammaaday mashruucaa 80%, qaybta labaad ee mashruucu waa biyo qaybinta magaalada gudaheeda, waxaana dhammaaday 30%.

5. Shaqo Abuurka Dhallinyarada

Xukuumadda JSL iyada oo ogsoon muhiimadda dhalliyarada iyo ka faa’iidaysiga xoogga dihin ee dhallinyaradu u leeyahay horumarka iyo nabadgelyada Qaranka iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika:

§  Waxa la daah-furay Barnaamij ballaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayo dhallinyarada JSL oo loogu wan-qalay ‘Barnaamijka Shaqo Qaran’. Barnaamijka Shaqo Qaran waxa ka qalin-jabiyey, oo ka faa’iidaystay dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 1,349 dhalliyaro ah oo iskugu jirta hablo iyo wiilal. Dhammaan dhallinyaradaasi waxa ay soo qaateen 3 bilood oo tababar iyo carbis nololeed ah, waxaanay hadda ka hawl-galaan Hay’adaha Dawladda ee kala duwan, qaarkoodna waxa ay ku biireen Ciidanka Qaranka JSL.

§  Barnaamijka Shaqo Qaran waxa uu sannadkan qaadan doonaa 1,000 Dhallinyaro ah oo cusub.

§  Xukuumaddu waxa ay ku dhawaaqday hirgalinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL. Waxa uu noqon doonaa Sanduuq Dhallinyaro oo madax-bannaan oo si rasmi ah uga hawl-gala dalka, si loogu sahlo dhallinyarada leh hal-abuurka iyo curinta ganacsi ee u baahan taageero dhaqaale oo aan lahayn dul-saar. Waxa aannu ka codsanaynaa ganacsatada JSL in ay ka qayb-galaan dhaqaalaha Sanduuqa Dhallinyarada, isla markaana Xukuumad ahaan waxaanu ku shubi doonaa dhaqaale joogto ah sannad kasta, haddana waxaanu ku shubnay $200,000 Doollar ee ugu horreeyey.

Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa muuqata in shaqo la’aanta dhallinyaradu ay aad u sarayso, taas oo khatar wayn ku ah amniga Dalka. Daraasad Xukuumaddu samaysay waxa ay muujinaysaa in xirfadaha suuqa shaqada dalku u baahan yahay iyo xirfadaha waxbarasho ee ay bixiyaan Jaamacadaha dalku aanay isku dheeli-tirnayn, baahi weyna loo qabo Farsamada Gacanta. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay xoog hayso waxa ay iskugu gayn doontaa sidii dalka looga hirgalin lahaa dugsiyada farsamada gacanta oo leh tayo aad u saraysa oo waafaqsan halbeegga Caalamiga ah. Waxaana la odorosayaa in 20% shaqo la’aanta dhallinyarada ay hoos u dhigi doonto daah-furkaa cusub.

6. Amniga iyo Difaaca Qaranka

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Xukuumaddu waxa ay ahmiyad weyn siisay adkaynta amniga iyo difaaca xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

§  Waxa kor loo qaaday niyadda iyo mooralka Ciidamada kala duwan ee Qalabka-sida.

§  Waxa la kordhiyey tirada iyo tayada guud ahaan Ciidamada Qalabka-sida.

§  Waxa la soo afjaray dhammaan colaadihii iyo shaqaaqooyinkii ka taagnaa Gobolka Sanaag.

§  Waxa 68% hoos loo dhigay dambiyada ay dhallinyaradu ka gaystaan magaalooyinka, iyada oo la fulinayo Qorshaha Farsamo ee dhinaca adkaynta ammaanka ee heer Gobol iyo heer Degmo.

§  Waxa iskaashi amni lala sameeyey dalalka dariska ah, waxaana hoos loo dhigay dambiyada iskaga gudba xadadka.

§  Waxa la dhammaystiray, lana ansixiyey Xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta Ciidamada Qaranka. Xeerkaas oo sida magaciisa ka muuqata dhammaystiraya xuquuqda iyo xaqa Ciidamada Qalabka-sida.

§  Waxa la dhammaystiray Cisbitaalka Ciidanka Qaranka oo siin doona adeeg caafimaad oo hufan dhammaan Ciidamada Qaranka.

§  Iyada oo laga jawaabayo baahida Ciidamada Qaranka iyo Shaqaalaha Dawladdu u qabaan in ay helaan dhul ay dagaan, waxa Xukuumaddu go’aan ku soo saartay in dhulka Danta Guud ah qayb laxaad leh looga diyaariyo Ciidamada Qalabka-sida iyo Shaqaalaha Dawladda JSL.

Guulahaa laga gaadhay sugidda amniga Qaranka, waxa suurtagaliyey Ciidammada Qalabka-sida ee mar walba heeganka u ah hirgalinta iyo ilaalinta Qaranimada JSL. Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka JSL iyo qoysaskooda iyo caruurtooda, waxaanan leeyahay, waxaad tihiin Halyeeyo Qaranka u suntan.

7. Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada

Isbeddelka Cimilladu waa xaqiiqo raad muuqda ku leh adduunka iyo gaar ahaan dalkeena Somaliland. Waxaynu aragnay abaaro soo noq-noqday iyo roobab xilligoodii Eebbe looga bartay ka soo hor-maray. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. Haddaba Xukuumaddu:

§  Waxay dhistay Xarunta Kaydka Raashinka Qaranka, oo xarumo ku yeelan doona dhammaan Gobollada Dalka.

§  Waxa 600 oo qoys oo kala jooga Gobollada Awdal, Salal, Gabiley iyo Saaxil oo ay xoolo tirtay Duufaantii Saqar loo sameeyey dib u xoolayn, waxaana qoys kasta la siiyey 15 neef si ay dib ugu laabtaan noloshoodii caadiga ahayd.

§  Waxa agab iyo raashin la gaadhsiiyey 28,200 oo qoys oo ku barakacay abaaraha sannadihii hore.

§  Waxa shaqo loo abuuray ama lacag caddaan ah la siiyey 11,000 oo qoys oo kala jooga Gobollada Dalka.

§  Waxa Xukuumaddu dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 460 dhallinyaro ah oo hore dalka uga tahriibay, waxaana loo sameeyey barnaamij dib u dajin ah.

8. Dooarshooyinka

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, shantii sanno ee kasta waa in Shacabka JSL u dareero doorasho uu ku soo doorto Golayaasha iyo Hoggaanka Dalka. Muddadii labada sanno ahayd ee Xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dadaal ugu jirtay sidii doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanku u qabsoomi lahaayeen. Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka isku-sidkan, wixii kaga aadanaa Xukuumadda.

Xisbiyada Mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto Komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxa la soo magacaabay Komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa. Hase yeeshee, labada Xisbi Mucaarid ayaa haddana diiday in ay doorasho qabtaan Xubnihii Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Fulinta iyo Golaha Wakiillada, Maxkammadda Sarena dhaarisay.

Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.

Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka gudan doontaaan.

9. Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jamhuuridda Somaliland waxa sal-dhig iyo gun u ah nabadgelyo, daris-wanaag, is-xaq-dhawr laba dhinac ah iyo iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhex-mara dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

a. Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland

Siyaadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan ictiraaf raadintu waxa ay u qaybsantaa laba waaxood oo waaweyn oo kala ah: In Qaddiyada Somaliland garowshiiyo ka hesho Adduunka, iyada oo mudnaanta la siinayo Qaaradda Afrika iyo In Wada-hadal ku dhisan garnaqsi iyo kala-gurasho lala galo Soomaaliya oo ah dalkii labaad ee Jamhuuriyaddii Somaliland la midowday 1960-kii.

Sidaa darteed, Xukuumadda oo garowsan in qadiyada Somaliland ay tahay arrin go’aankiisu u yaallo Qaaradda Afrika, waxa ay dadaalo xoog badan galisay in Somaliland ku yeelato saaxiibo cusub Qaaradda Afrika iyo in socdaalo diblomaasiyadeed lagu gaalaa bixiyo dalalka Qaaradda Afrika. Sidoo kale, Qadiyadda Somaliland waxa ay noqotay Qodob ka mid ah qodobbada Midowga Afrika uu mudnaanta koowaad siinayo, kadib dadaaladii Xukuumaddu ka samaysay shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyey.

Somaliland iyo Soomaaliya 

Walaalayaal,

Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad ku jireen. Hase yeeshee, 11-kii Bisha February 2020, ayaa aniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

09-kii February 2020, waxaan safar shaqo ugu baxay magaalada Add

 

Halkan Ka Daawo Muqaalka

Leave a Reply