“Hogaamintu waa waxa ugu muhiimsan Awrka iyo qofka waxaa u dhexeeya Hogaanka”…

0
900

Burco (Dawan): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa bogaadiyay kulan ay muddo saddex maalmood ah maayarrada magaalooyinka Somaliland uga socday magaaladda Burco.

Waxaanu sheegay in tababarkaasi uu ahaa mid midho midho-dhal ah, casharadii uu tababarkaasi ku qaatay-na uu  uga faa’iidayn doono bulshadda magaaladda Laascaanood.

Tababarkaasi oo shalay uu soo xidhay  agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Maxamuud Gurey, waxaa ka qayb galay maayarrada tobanka magaallo ee ugu waaweyn Somaliland.

Kuwaasoo  ka mid ah maayarrada tobanka degmo ee ah degmooyinka golaha sare   ee dawladaha hoose ee Somaliland.

Waxaana lagaga hadlay sida ugu haboon ee bulshadda Somaliland loo gaadhsiin karro adeegyo hufan, isla markaana  loo horumarin lahaa maamulka goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka Somaliland.

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto magaalada Burco, waxaa soo qaban qaabiyay ururka ay ku midaysan yihiin  guddiga sare ee dawladaha hoose ee Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo ALGASAL.

Waxaana tababarkaasi maalgeliyay ururka dawladaha hoose ee dalka Netherland ee loo soo gaabiyo VNG. Iyadoo ay casharadda bixinayeen macalimiin ka socday ururka VNG.

Maayarka Laascaanood oo ka mid ahaa maayarradii shirkaasi ka qayb galay ayaa sheegay in maadaama oo maayarradu ay yihiin hogaamiyeyaasha magaalooyinka in hogaaminta wanaagsani ay tahay meesha ay wax ku saxmaan.

Waxaanu yidhi, “Hogaamintu waa waxa ugu muhiimsan ee lagu tilmaamo horumarinta magaalooyinka. Awrka iyo qofka waxaa u dhexeeya Hogaanka.

Maadaama ay maayarradu yihiin hogaankii magaalooyinka, ee hogaaminayay magaallo walba. Hadday dhinac walba tahay, caafimaadka, waxbarashadda, amaanka, arrimaha bulshadda, dhalinyaradda iyo ciyaaraha, haweenka. Intaba ay hogaamintu tahay waxa ay wax ku saxmaan”.

Geesta kale C/casiis Xuseen Taarwale, waxa kaloo uu sheegay in shirkaasi ay wax badan ka faa’iideen, wixii aqoon ah ee uu ka bartayna uga faa’iidayn doono bulshadda Laascaanood.

“Kolay shirkan wax badan ayaan ka faa’iidi doonaa. Degmadii Laascaanood-na marka aan ku noqdo, waan uga faa’iidayn doonaa bulshadda, casharadii aan shirkan ku qaadanay”ayuu yidhi maayarka Laascaanood oo gebagebadii shirkaasi ka dib la hadlay VOA.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply