Uganda oo Somaliland Kala Shaqaynaysa Xubin ka Noqoshada Urur ay ku Bahoobeen 179 Dal

0
641

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa la kulmay dhigiisa Uganda Sam Kutesa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi Rebecca Kadaga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda Rebecca Kadaga ayaa tilmaamay in Uganda ay kala shaqeynayso Somaliland dalabka ay ku doonayso inay ka mid noqoto ururka Baarlamaannada Adduunka ee IPU, kaasi oo la aasaasay sannadkii 1889kii, isla markaana ay xubno ka yihiin baarlamaannada 179 dal oo ka mid ah 193 waddan ee Adduunka. waxaanu ururkaasi ka shaqeeyaa sidii uu u xoojin lahaa xilgudashada baarlamaanka, Nabadgelyada, Dimuqraadiyadda iyo horumarka.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu maanta daabacay Warsidaha East African Business Week ee dalka Uganda oo weriyey inxubinimada ururkaasi ay Somaliland xoojin karto qaddiyada Ictiraaf raadinta JSL.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda Rebecca Kadaga ayaa sheegay in Wasiirka Khaarajiga Somaliland ay ka wada hadleen sidii Somaliland ay xubin uga noqon laheyd ururkaas caalamiga ah.

Waxa kaloo East Africa Business Week, ka warramay uu intaas ku daray in Wefti culus oo ka socday Baarlamaanka Uganda ay ka qaybgaleen sannadkii hore munaasibaddii 28 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland ee 18kii May.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Uganda, Hood Katuramu oo hoggaaminayey weftigii tagay Hargeysa ayaa sheegay in la gaadhay xiligii ay Uganda iyo Midowga Afrika ay Somaliland u aqoonsan lahaayeen dal madax bannaan.

Sidoo kale, xildhibaan Adome oo ka mid ahaa weftigii reer Uganda ayaa ku dooday in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal madax-bannaan.

Dawannews.com/Hargeysa

Leave a Reply