UNHCR Oo Guryo Ay Dhistay Ku Wareejisay Dawladda Hoose Ee Berbera

0
1097

Berbera (Dawan): Dawladda hoose ee degmadda Berbera ayaa hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha qoxoontiga ee UNHCR kala wareegay guryo ay hay’adaasi dhistay.

Guryahan oo tiradoodu dhamayd 156 guri ayaa dawladda hoose ee Berbera ay u qaybin doontaa  qoysaska danyarta ah ee  ku nool magaaladda Berbera.

Sidoo kale qoysaska guryahan la sin doono waxaa qayb ka dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen abaarihii dalka soo maray ee gobolka Saaxil ee magaaladda ku soo xerooday.

Guryahan oo ah kuwo ku-meel gaadh ah ayaa loo qorsheeyay in ay qoysaskaasi deganaadaan muddo shan ilaa todoba sanadood ah.

Waxaana maalgelisay dhismaha guryahani hay’adda jamciyadda quruumaha u qaabilsan qoxoontiga ee UNHCR, iyadoo dhulka laga dhisayna ay bixisay dawladda hoose ee Berbera.

Kadib markii UNHCR ay muddo hore balan qaaday in dadka danyarta ah iyo kuwa baadiyaha ka soo barokacay ee Berbera ku nool ay u dhisi doonto 300 oo guri.

156-kan guri ee maanta la wareejiyay ay qayb ka yihiin wejigii koowaad ee saddexda boqol ee guri ee ay UNHCR balan qaaday in ay u dhisayso dadka danyarta ah ee Berbera ku nool.

Xaflad loo sameeyay wareejinta guryahaasi oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Berbera waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta dawladda hoose ee degmadda Berbera.

Badhasaabka gobolka Saaxil, masuuliyiin ka socday hay’adda UNHCR, iyo guddiyadda shanta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaaladda Berbera.

Maayarka Berbera C/shakuur Cidin, ayaa  sheegay in guryahani ay yihiin ku-meel gaadh, isla markaana qorshuhu yahay in la deganaado shan ilaa todoba sanadood.

Hase yeeshee u jeedadda laga leeyahay ay tahay sidii dadkani loogu diyaarin lahaa guryo rasmi ah oo ay degaan.

Waxaanu yidhi,  “Ma aha guryo si rasmi ah loo degayo. Waa guryo ay mudadoodu kooban tahay oo ku-meel gaadh, oo muddo tahay shan sanadood, ugu badnaan todoba sanadood.

U jeedadda laga leeyahay ay tahay dadkii ka soo barokacay abaaraha iyo dadka danyarta ah ee magaaladda degan, in intuba ay helaan Hoy.

Kaasoo u jeedadda ka danbaysaa ay tahay in aanay dadkani ku jirin guryahan ku-meel gaadhka ah, ee ay marka hore dhul helaan ay bulshadda kaga mid noqdaan. In ay helaan adeegyadii aasaasiga ahaa, iyo  in guryahan rasmi ah (permanent) loo bedelo”.

C/shakuur Cidin, ayaa balan qaaday in ay ka dawlad hoose ahaan ay ka go’an tahay sidii qoysaskani ay u heli lahaayeen guryo ay iyagu leeyihiin.

“Anagu-na waxaan diyaar u nahay in aanu caawino, oo aanu wax la qabano. Meel kasta aanu ka doonee, oo aanay dadkani lahaanin sawirka ay maanta leeyihiin, ee ay helaan guryo rasmi (permanent) ah”.

Eng. Axmed Cismaan Xasan, badhasaabka gobolka Saaxil oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay hay’adda UNHCR  iyo dawladda hoose ee Berbera oo dhulka laga dhisay bixisay.

“Waxaan u mahad celinaynaa cid kastoo gacan ka gaysatay. Hay’adda UNHCR, oo u balan qaaday dadka itaalka yar, ee degan degmadda Berbera, in ay u dhisayaan 300 oo guri, oo imika ay u dhamaystireen 156 guri  oo wejigii koowaad ah.  Inta kale-na ay ku xigi doonto. Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa” ayuu yidhi Eng. Axmed Cismaan Xasan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo maamulka degmadda Berbera ay mar hore-ba sii diyaariyeen in dhul qiimihiisu aad u badan yahay, ay u sii diyaariyeen in bulshadoodda danyarta ah guryo looga dhiso”.

Geesta kale sarkaal ka socday hay’adda UNHCR oo  halkaas ka hadashay ayaa u mahad celisay masuuliyiinta dawladda hoose ee Berbera.

Waxaanay sheegtay in guryahan loogu tallo galay qoysaska danyarta ah ee ku nool magaaladda Berbera.

Dhinaca kale masuuliyiintan ka socday hay’adda UNHCR iyo maamulka dawladda hoose ee Berbera ayaa kala saxeexday waraaqaha tiradda iyo noocyadda guryahan lagu wareejiyay dawladda hoose.

Sidoo kale saraakiisha ka socday UNHCR ayaa shaaho-sharaf guddoonsiiyay maayarka Berbera C/shakuur Cidin, oo ay ku amaaneen sida masuuliyadu ku dheehan tahay ee uu hawshaasi u fuliyay.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply