Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Magacaabay Xubin ka Tirsanayd Koomishankii Hore

0
512

Hargeysa-(Dawan)-guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID , Eng: Faysal Cali Xuseen ayaa soo Magaacabay xubinta Xisbiga ee koomishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ka dib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ka diiday inuu dib usoo celiyo xubintii hore iskaga casishay koomishanka .

 

Cabditaax Ibraahim Xasan ayaa loo Magacaabay Xubinta Xisbiga UCID ee guddiga doorashooyinka Somaliland kaasi oo noqonayaa masuulka labaad ee ka tirsanaa komishan doorasho ee ugu danbeeyay .

Sidaasi  waxaa uu ku noqonayaa Komishineer Cabdifataax Ibraahim xubintii labaad ee kawada tirsanaanaysa komishanka doorashooyinka ee hada jooga iyo guddiga farsamo ee doorashada qabanaya haddi uu aqbalaada ka gudbo , waxaana xilkan mid la mida qabanaysa Komishineer. Kaltuun Sh. Xasan oo kawada tirsanaan doonta komishanka doorashooyinka iyo guddiga farsamo ee komishankii hore kamid yihiin .

Leave a Reply