Wasiirka Caddaalada oo Sheegay in Ay meesha ka Saarayaan Maxaabiistii Mudo Dhaafka Aheyd

0
896

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasarada Cadaalada Mustafe Maxamed Cali, ayaa shaaciyey in wasaaradooda laga hoos saaray awoodo badan oo ay lahaayeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin awoodihii maxkamaddaha hoose iyo diyaarinta shuruucda dalka balse taasi badelkeeda ay awooda saari doonaan caddaalada, loona daadejin doono heer degmo ilaa heer gobol.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu xusay inay ka wasaaradd ahaan wadaan qorshe kor loogu qaadayo xuquuqda ay leeyihiin maxaabiista dalku, islamarkaana meesha looga saarayo maxaabiistii mudda dhaafka ku ahaan jiray xabsiyadda kala duwan ee dalka.

Wasiirka wasarada Cadaalada Mustafe Maxamed Cali isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi  “In aanu meesha ka saarno maxaabiista muda dhaafka ah, maxaabiista muda dhaafka ahi waxaa weeyi qofba qof laba boqol oo dollar ka cunaya, waala soo xidhayaa, maxkamaddbuu marayaa, sanadba lagu xukumayaa, sanadkii ayuu laasanayaa, kadib ayaa waxaa la odhayana ilaa uu labadii boqol bixiyo jeelka ayuu ku jirayaa, arrintaasi waxaa aanu dooneynaa in aanu u hello xal sharciga ah, sababto ah qofku sanadbuu xidhnaa, sanadka muxuu shaqeyslahaa? Muxuu baranlahaa? Muxuu dhalilahaa? Sharciga ma waafaqsana in uu labadii boqol ee dollar ee uu xaday sanad ka hore in uu u sii  xidhnaado ilaa laga bixiyo”

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in Xabsiyadda dalku ay yihiin kuwa aan la jaanqaadi karrin kuwa caalamka, islamarkaana ay aad u hooseeyaan heerkooda nadaafadeed hurdada iyo jimicsiga marka laga reebo xabsiyadda ku yaala Hargeysa iyo Burco “Waxaa kale oo aanu kor u qaaday xuquuqda maxaabista dalka, waxaa la wada dhisay xiligii Ingiriiska waa jeelal wada qadiima, heerkooda nadaafadeed waa uu hooseeyaa, maxbuusku meesha uu seexanlahaa waa ay hooseysaa, jimicsiga halkii uu ku hellilahaa ma wada laha, ka ugu dada ya waxaa la dhisay sanadkii 1943-dii, malihin jeelal la jaanqaadi karra kuwa caalamka oo aan ka aheyn ka Burco iyo ka Hargeysa, dhammaan goboladda waxaa aanu rajeynayna in aanu wax ka qabano,”

Dhinaca kale waxaa uu tilmaamay in ay hirgelin doonaan siyaasadda cadaalada heer Qaran oo aan hore u jirin “Siyaasadda cadaalada Somaliland waa siyaasad nooceeya? Wadadee ayay qaaday? Side ayay u eeg tahay? Siyaasaddaasi waaa mid heer Qarana, hay’adda caalamiga ah ee Pac ayaa naga caawineysa, cidkasta oo sharciga taqaan oo waayo arag ahna waanu u baahanahay, waanu ku soo casuumi doonaa, waxaanan rajeynayaa in ay wax badan ka tari doonto cadaalada Somaliland siyaasaddaasi”

“Dhameystirka dhaqan celinta da’yarta sharciga khilaafta  oo ah xabsiga Mija-caseeye, xabsigaasi wuu socda dhismihiisi waala wada hase ahaate waxaa aanu hada bilaabeynaa, barnaamijyadii xabsiga lagaga shaqeynlahaa, oo ahaa dhammaan wax allaale wixii dhaqan celin, waxbarasho  iyo daryeelkii uu xabsigaasi u baahanlahaa, xabsigaasi waxaa aanu rabnaa in aanu ka hirgelino waxbarasho heer sare ah, farsamadii gacanta oo ninka isaga oo da’yar la xidhaa uu xabsigaasi ka soo baxo isaga oo wax yaqaana”Ayuu yidhi wasiirka wasarada Cadaalada Mustafe Maxamed Cali.

Wasiirka wasarada Cadaalada Mustafe Maxamed Cali, ayaa shaaciyey in wasaaradooda laga hoos saaray awoodo badan oo ay lahaayeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin awoodihii maxkamaddaha hoose iyo diyaarinta shuruucda dalka balse taasi badelkeeda ay awooda saari doonaan caddaalada “Waxaa hada noo dhammaaday oo aanu hirgelineynaa nidaam isku xidhaya maada uu kiisku ka soo bilaabmo saldhiga qofka marka kiiskiisa saldhiga la geeyo, inteebu saldhiga joogay? Ma helay Qareen? Intee maxkamaddood ayuu maray? Inteebu ku xukuman yahay? Goorma ayuu ka bixi xukunka ee uu u dhammaanayaa? Nidaam lagu wada ogaanayo oo bahda garsoorka iyo caddaalada  iyo asluubtaba isku wada xidhaya, waxaana naga taageereysa hay’adda Akshiyam oo Ingiriisa ayaa naga taageeraysa, imikana waa dhammaad intiisa badanina waa ay shaqeysana isku xidhkii asluubta iyo maxkamadaha aanu ku soo xidhilahayn ayuunbanu imika ku talo jirnaa, qiimaha cadaaladu u leedahay bini’aadamka waa mid aad u weyn, waayo dal hadii uu dumo cadaalad daro ayuu u duma, hadii uu dal dhismana cadaalad ayuu ka dhismaa, Mareykan hadii ay horumartay cadaalada ayaa la hagaajiyey, iyadda oo ay jirto in awoodo badan oo ay laheyd wasaaradda cadaaladu ay xiligan maqan yihiin oo ah maamulka maxkamadaha hoose oo nalaga jaray, diyaarinta shuruucda oo wasaaradda hoos iman jiray oo laga jaray, hadana waxaanu balanqaadayna oo ku dadaaleyna in wax allaale wixii awoodayada ah in aanu ka qaban doono cadaalada”

Sawirka Wasiirka wasarada Cadaalada Mustafe Maxamed Cali

Khadarhoryaal@gmail.com

Leave a Reply