Hargeysa: Jaamici Tagsiile ah iyo Wasiir Hinda oo Fariin u Dirtay Dhallinyarada

0
592

Hargeysa-(Dawan)-Maxamud Jaamac Cabdi (Dacar) waxa uu  ka mid yahay kumaananka dhallinayarada ee sannad walba kasoo baxa jaamacadaha dalka , waxaanu sannadkii 2016 ka baxay jaamacada Golis ee Magaalada Hargeysa isaga oo ka bartay cilmiga dhismaha.

Dacar markii uu ka baxay Jaamacada fursad umuu helin in uu markiiba helo shaqo la xidhiidha aqoontii uu bartay, sidaasi darteed waxa uu go’aansaday inuu qabto shaqo kasta ka dib markii uu ku guuldaraystay inuu ku shaqeeyo cilmiga uu bartay ee tamarta iyo dhaqaalaha badan kaga baxay .

 

 

 

Dacar waxa uu aamisan yahay in ay ceeb tahay in qofka waxbartay uu fadhiyo ilaa inta uu ka helaayo shaqo u qalanta cilmiga uu bartay, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishanka Universal, waxanu dhallinyarada ugu baaqay inay qabtaan  shaqo kasta ilaa inta ay helayaa ta ugu saraysa.

“ waxa aan u sheegayaa dhallinyarada wax baratay , dunida aynu ku nool nahay qofku waxa uu u baahan inuu shaqaysto kuna xisaabtamo waxa uu bartay iyo waxa uu heli doona in aanay isku xidhmi Karin ama ay isku xidhmi karaan , labada waa inuu ku xisaabtamaa , in la shaqaysto ayaa loo baahay yahay ee in xafiis layska rajeeyo oo layska fadhiyo oo lays dhigto ayaan kasoo horjeeda “ayuu sheegay Dacar.

 

 

 

Dacar waa xoogsade ku shaqaysta Gaadhi Taxi ah, waxaanu kaga shaqaystaa magaalada hargeysa.

Hore waxa uu uga shaqeeyey goobo kala duwan “markii hore waxa aan ka shaqeeyey xawaalada world remit, ka dibna hotel , haddana waxaan shaqo ka helay goob dawooyinka ah oo aan suuq-geyn u ahaa, imika waxa aan ahay tagsiile ka shaqeeya magaalada Hargeysa “ayuu raaciyey hadalkiisa.

 

 

 

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Hinda Jaamac Xirsi ayaa dhallinyarada u soo jeedisay in ay xidigaha ku gudaan haddii ay dayax waayaan, taasoo ka dhigan in shaqo kasta oo ay helaan ay qabtaan inta ay helayaa midii ay rabeen”  waxa ku jirtay maanso uu leeyahay hadrwaai “ marka hore sariir raadi ,Sali iyo barkimo doono, saddexdaba haddaad waydo, hadda saantu ceeb maaha” – ” marka waxa aan leeyahay dhallinyarada qiimaha leh ee waxbaratay in la shaqaystaa ceeb maaha ee waxa ceeb ah in qofka shaqo la’aan ahaado , waxa jiray xadiis Nebi Maxamed lagasoo Wariyey N.N.K.H oo ahaan qofku xaabo gurana ha ahaadee shaqadu ceeb maaha”ayey ku boorisay Wasiir Hinda Dhalinyarada.

 

 

 

Somaliland sannadkasta waxa jaamacadaha ka soo boqolaal dhallinyaro ah kuwaasi oo guriyaha iska fadhiya ilaa inta ay helayaan shaqada ay iyagu rabaan .

 

 

 

Dadka shisheeyey ee Somaliland ku nool ayaa qaba in dalka aanay ka jirin shaqo la’aan, balse ay jirto xirfada la’aan iyo han weyn haysa dhallinyarada oo ay ku diidayaan in ay qabtaan shaqooyinka hoose .

 

Saciid Cagjar

Dawannews.com

Hargeysa/Office

Leave a Reply