Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Meelaha Ay Mudnaanta Siinayaan Mashaariicda Laga Maalgelinayo JPLG

0
611

Hargaysa (Dawan):  Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa soo dhaweeyay barnaamijka horumarinta magaalooyinka ee JPLG-ga oo mashaariicda laga maalgeliyo sanadkan laga bilaabayo Laascaanood.

Waxaanu sheegay in mashruucaasi oo ay muddo badan tebayeen uu waxyaabo fara badan oo dhinaca horumarka ah ku soo kordhin doono magaaladda Laascaanood.

Laascaanood ayaa ka mid ahayd saddex degmo oo sanadkan lagu soo daray magaalooyinka la fulinayo mashaariicda laga maalgeliyo barnaamijka loo yaqaano JPLG-ga ee horumarinta dawladaha hoose ee Somaliland.

Maayar C/casiis Xuseen Maxamuud, oo maanta wargeyska DAWAN ugu waramay  magaaladda Hargaysa oo uu kaga qayb gelayo kulan ay yeesheen maayarrada magaalooyinka Somaliland oo lagaga hadlayay mashruuca JPLG-ga.

Isagoo ka hadlayay faa’iidadda uu mashruuca JPLG-ga u keeni doono Laascaanood, waxa uu yidhi,  “Barnaamijka JPLG-ga wuxuu ahaa markii hore mid ka maqan magaaladda Laascaanood. Waana barnaamij waxtar u leh dalka iyo dadkaba.

Markaa sanadkan 2020-ka waanu ku soo biirnay barnaamijkaasi, anagoo saddex degmo ah. Ceerigaabo, Laascaanood, iyo Caynaba.

Waxaan rejaynaynaa insha ALLAAHU in hawlo badan mashruucaasi uu ka taageeri doono degmadda Laascaanood, oo xagga horumarka ah”.

Maayarka ayaa u mahad celiyay cid kastoo ka qayb qaadatay in Laascaanood lagu soo darro magaalooyinka qaybta ka ah mashruuca JPLG-ga.

“Markaa mashruuca JPLG waan soo dhawaynaynaa. cid kastoo ka qayb qaadatay in Laascaanood lagu soo darro, oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku-xigeenka iyo  wasiirka arrimaha gudaha, intaba waan uga mahad naqaynaa.

Waana mashruuc wax badan horumar ah ka qaban doona degmadda Laascaanood”ayuu yidhi maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.

Geesta kale maayar C/casiis, waxa uu ka hadlay  meelaha ay mudnaanta koowaad siinayaan ee ay mashaariicda barnaamijkaasi ku bilaabayaan.

Waxaanu yidhi, “Meelaha aan doonayno in aanu ku bilawno waxaa ugu muhiimsan xagga kaabeyaasha dhaqaalaha oo ah gaar ahaan waddooyinka.

Meelaha kale ee caafimaadka iyo waxbarashadda waan gaahdi doonaa, balse horumarinta Waddooyinka ayaa mudnaanta koowaad noo ah”.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply