Maxaabiis Talibana oo la Siidaynayo

0
522

Afganistan (Dawan) Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa wareegto uu xalay xili dambe soo saaray wuxuu ku amray in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo ilaa 15 Kun oo Maxaabiis oo ka tirsan ururka Taalibaan ee dalkaasi.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani

Ururka Taliban ayaa shuruud uga dhigay wadahadalo dhexmara iyaga iyo dowladda Afghanistan in marka hore la sii daayo maxaabiista ururkaas ee ku xiran xabsiyada dalkaasi

” Maalin kasta waxaa la sii dayn doonoaa 100 Maxbuus, Muddo 15 maalmood gudahood ayaa lagu sii dayn doonaa dhammaan 15 kun ee maxbuus ee Talibanka ka xiran” Sidaas waxaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha.

Maraykanka iyo ururka Taliban ayaa magaalada Doha ee Qadar waxay ku gaareen heshiis taariikhi ah kaasi oo dhigaya in Ciidamada Maraykanku ay kaga baxaan dalkaasi muddo 14 Bilood ah, heshiiskan ayaa soo afjaraya colaad dalkaasi ka taagnayd 19 sanno ee la soo dhaafay.

Maraykanka waxaa dalkaasi Aghanistan ka joogaa 13 Kun oo askari, waxaana uu bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo dalkaasi.

Leave a Reply