Guddoomiye Xisbiga Waddani oo Magacaabay Guddi Cusub

0
518

Hargeysa-(Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr, Cabdiraxmaan Maxamed cabdillahi Cirro, ayaa Magaacabay Guddiga kala xulista murashaxiinta golaha wakiilada iyo golaha deegaanka ee doorashada 2020 ee Xisbiga Waddani .

 

Guddoomiye Cirro ayaa saddex iyo toban xubnood u magacaabay guddigaasi oo soo xuli doona murashaxiinta u tartamaaya Xisbiga Waddani , waxaanu guddoomiye uga dhigay , Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde Waxaana sidaa lagu sheegay War-saxafeed kasoo baxay Xisbiga oo udhignaa sidan hoose:

 

“ Markii aan darsay : qodobka 30 farqadiisa 6aad ee xeerka Xisbiga ,markii ay ii muuqatay in dardargeliyo hawlaha u diyaar garowga doorashada. Markii aan tix geliyey hashiiska siyaasiga ee xisbiyada qaranka .markii ay isoo baxday baahida loo qabo in la dhiso guddiga kala xulista .

Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 bisha saddexaad ee sannadka 2020 , waxa aan go’aamiyey in aan magacaabo guddiga kala xulista murashaxiinta wakiilada iyo golaha deegaanka ee doorashada 2020.

1: Xildhibaan Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde   guddoomiye

2: Xirsi Cali Xaaji Xasan                               Xubin

3: Cabdirisaaq Khaliif Axmed                         Xubin

4: Maxamed Cali Aw Cabdi                            Xubin

5: Khadar Xuseen Cabdi                                Xubin

6: Saleebaan Ducaale X. Jaamac                   Xubin

7: Jaamal Jaamac Xaamuud                          Xubin

8: Xil. Abubakar Cabdiraxmaan                      Xubin

9: Cabdalla Maxamed Carab                          Xubin

10: Foosiya Kayse Faarax                            Xubin

11: Axmed X. Cabdilaahi Xamarji                  Xubin

12: Cali Cabdi Saayiq                                   Xubin

13: Bashiir Cabdi Xariir                                 Xubin “

Leave a Reply