Baasaboorka Cusub oo 10-ka bishan Wixii ka Dambeeya lagu Qaadan Doono mudo Bil ah

0
661

Adis ababa (Dawan) Wakaaladda socdaalka, jinsiyada iyo diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee Federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay in baasaboorka cusub waqti xaadirkan lagu bixiyo 2 bilood iyo 15 maalmood, lagana dhigayo hal bil laga bilaabo 10 ka Magaabiit.

Maareeyaha guud ee wakaalada ayaa sheegay in wakaaladu ay gacanta ugu jiraan 270-kun ilaa 300-kun oo baasa-boor, dhawaana la filayo inay soo galiyaan 500-kun oo xabbo.

Waxa uu xusay in dhawaan la waayay waraaqaha baasa-boorka taas oo keentay in waqtiga la dheereeyo.

Waxaa uu intaa ku daray in midka si deg dega ah lagu bixin doono 5 maalomood.

Waxa uu intaa ku daray in la qabtay 77 baasa-boor oo sharcidarro lagu sameeyay, ayna ogeysiiyeen Interpol-ka si aan loo adeegsan,islamarkaana sharciga lala tiigsan doono dadkii sameeyay.

Sawirka Baasaboorka Cusub oo 10-ka bishan Wixii ka Dambeeya lagu Qaadan Doono mudo Bil ah

Leave a Reply