Jilaa Caana iyo xaaskiisa oo laga helay Coronavirus

0
97

Jilaaga Mareykanka ah ee Tom Hanks ayaa shaaca ka qaaday Arbacadii in isaga iyo xaaskiisa Rita Wilson, oo iyana ah jilaa iyo heesaa, labadaba laga helay cudurka Coronavirus.

Hanks iyo Wilson ayaa ku sugan dalka Australia, halkaasi oo uu ku jilayo filim ku saabsan nolosha heesaagii caanka ahaa ee Elvis Presley.

Fariin uu soo dhigay bogiisa twitter-ka ayuu Hanks ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa “ay dareemeen daal, sida inuu hargab ku dhacay, balse jidhku xanuunay, halka Wilson ay sidoo kale dareentay qandho,”

Hanks ayaa intaas ku daray in markaa kadib lagu sameeyey baadhitaan kadibna laga helay Coronavirus.

Hanks ayaa sheegay in isaga iyo Wilson oo labaduba ah 63 jir “lagu sameyn doono tijaabooyin kale, lagana go’doomin doono dadka kale.”

Lamaanahan ayaa hadda lagu lagu karantiilayaa isbitalka Gold Coast ee gobolka Queensland.

Shirkadda filimada ee Warner Bros oo soo saareysa filimka Elvis ayaa sheegtay in la joojiyey gebi ahaan.

Hanks iyo Wilson waa labadii qof ee ugu horreeyey ee dadka caanka Mareykanka ah ee uu ku dhaco Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here