Heshiisiinta Beelihii Ku Dagaalamay Deegaanka Shidan Oo Loo Balamay 15 Ka Bishan

0
501

Ceerigaabo (Dawan) Guddiga nabadaynta ee ka socda golaha Guurtidda Somaliland shaqaaqadii beelaha u dhaxaysay ee degaanka Shidan ee gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uga  qabsooomay hawshaasi.

Xubnaha guddiga ah ee ka socda golaha Guurtidda Somaliland oo toban xildhibaan ayaa weli ku sugan magaaladda Ceerigaabo, iyadoo ay sugayaan inta la gaadhayo shirka loo balansan yahay.

Xildhibaan Axmed Maxamuud Daahir,  oo ah guddoomiyaha guddigaasi oomaanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Ceerigaabo ayaa sheegay in 15-ka bishan loo balamay in la guddo gallo heshiisiinta labadaasi beelood.

Shaqaaqadaasi ayaa sanadkii hore  laba beelood ku dhex martay meesha loo yaqaano Shidan oo ah buurralyda woqooyiga  gobolka Sanaag.

Waxaanu yidhi, “Markii aanu nimid, waxaanu la kulanay maamulka gobolka Sanaag, iyo guddiga nabadgeliyadda gobolka Sanaag. Way noo warameen, waxaanay noo sheegeen in imika xaaladu degan tahay.

Wakhtina loo qabtay, oo bishan 15-keedda waxgaradka labadda beelood la balamiyay.  Wakhtigaas loo qabtay heshiisiinta beelaha ayaanu anaguna sugaynaa”.

Geesta kale xildhibaan Axmed Maxamuud Daahir,  waxa uu sheegay in xubnahoodu ay weli ku sugan yihiin magaaladda \ceerigaabo ayna sugayaan mudadda loo balamay.

“Waxaanu nahay guddi toban xubnood ka kooban oo ka socda golaha Guurtidda, una yimid gobolka Sanaag magaalo-madaxdiisa Ceerigaabo, una socday xalinta shaqaaqadii ka dhacday meesha la yidhaahdo Shidan”.

Dhinaca kale xildhibaanku waxa uu xusay in golaha Guurtidda Somaliland ay mar kasta u taagan yihiin xalinta shaqaaqo kasta oo dhex marta beelaha Somaliland.

 

Dawannews.com|Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply