Wasiir Koore oo Qoddobeeyey Horumarka Somaliland ka Wado Sool

0
1728

Laascaanood(Dawan)- Wasiirka  Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta khudbad  kulul  ku soo bandhigay Waxqabadka iyo Horumarka ay Somaliland ka fulisay gobolka Sool oo cid kula tartami kartaa aanay jirin.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sidaas ku sheegay hadal dheer oo uu ka jeediyey xaflad ballaadhan oo lagu caleemo-saarayey Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo caano-shubkiisu ka qabsoontay  deegaanka Dharkayn geenyo  ee Koonfurta gobolka Sool.

Wasiirku waxa uu si afhahanimo leh u qoddobeeyey mashaariicda muuqata ee Xukuumadda Somaliland ay ku darsatay horumarka gobolka Sool. “Caano nin lisay la ogyahay ninkii doonaaba ha sheegto. halkan (Dharkeyn geenyo) waa dal ay xukunto oo ay leedahay ummadda reer Somaliland. Qarannimada aanu halkan ku joogno waa mid aanu ku hayno dhaqan, shacab iyo gacal intaba,”ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Koore, waxaanu intaas ku ladhay “Cid kasta oo halkan timid (Caleemo-saarka)  cid bay marti u tahay waana la hubaa. Qaar baa yidhi Wasiir baad tahaye siyasadda ha ka hadlin. Maba yaqaanno Wasiirnimadeeda macnaheedu wuxuu yahay.”

Wasiirka Warfaafintu wuxuu Garaadka la caleemo-saarayey gaadhsiiyey  dhambaal diiran oo hambalyo iyo duco iskugu jiray oo uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu Madaxweynuhu  abti u yahay Garaadka lagu boqrayey.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu madashaas ilyartu is qabatay kaga dhawaaqay in Xukuumadda Somaliland ay wado mashruuc weyn oo dhinaca biyaha ah oo laga fulinayo magaalada Dharkeyn geenyo.

“Waxaan  isleeyahay magaaladan waxa ugu weyn ee ay u baahan tahay waa biyo, waxaanu magaalada ka dhagax dhigaynaa mashruuc biyood oo ay ku baxayso nus Malyuun Doolar. Meesha ciddii wax ku darsataa leh,”ayuu yidhi Wasiirku waxa kaloo uu miidaankaas si dhiirran uga caddeeyey inay Xukuumadda Somaliland  deegaannada Sool ka dhistay waddooyin isla markaana ay hirgelisay mashruuca biyaha ku wajahan oo laga fuliyey Deegaanka Xargaga.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu madaxdhaqameedka Gobolka Sool ka abhiyey in  aanay dhex gelin  siyaasiyiinta ee ay ku ekaadaan dhaqanka. “Madax-dhaqameed siyaasad igu matalaa ma jiro. Mid Wasiir iyo Hoggaamiye igu matalaa ma jiro, mid aan siyaasadda u daba fadhiisanayaa ma jiro.  hawshooda madax-dhaqameedka kuma haysanno. Annaga ayey masuuliyadayada tahay in aanu ummadda wax u raadino sababta aanu Wasiirrada u sheeganaynaa  waa sidaas,”ayuu yidhi Wasiir Saleebaan.

Wasiirka oo si gaar ah dantooda ugu guubaabinayey shacabka reer Sool, waxa uu yidhi; “Ummadda reer Sool waxaan leeyahay cid kasta oo idiin timaada  aynu waxtar ku tartanno. Annagu haddii aanu nahay Dawladda Somaliland waxaanu diyaar u nahay inaanu dadka waxtarno haddii ay Ceel tahay, haddii ay Waddo tahay iyo haddii ay waxbarasho iyo shaqaale tahayba.”

“Hanti baanu la nimaadnaa (Gobolka) iyo waxtar aanu dadka la daba soconno maanta (shalay) waxaanu dhagax dhigaynaa mashruuc nus Malyuun Doolar ku baxayso yaa nagula tartamaya?”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu caddeeyey  inuu jecel yahay in dadkiisu xisaabtamaan oo ay wax la qabsadaan ciddii wax u qabanaysa, waxaanu yidhi “Anigu waxaan jeclaan lahaa in dadku ay noqdaan qaar xisaabtama oo ciddii wax u qabata u xisaabsan, ciddii aan wax u qabanayna yidhaahda ‘waar na daa’  laakiin waxaad moodaa inaynu  wali isku  walaaqan nahay.”

Waxa kaloo uu shacbiga ku dhaqan Gobollada Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo dhawaan dib uga bilaabmaysa Somaliland, waxaanu yidhi “Deegaannadani waxa ay ku ciil qabaan in aanay Xildhibaanno lahayn, waxaan  idiin sheegayaa diiwaangelintii codbixiyeyaasha ayaa mar kale idiin imanaysee gacmaha ka buuxsada oo hadhow ha is ciil-kaambiyina.”

Leave a Reply