Erdogan iyo Trump oo ka Wada Hadlay Dagaalka Covid-19

0
533

Wakaaladda Wararka Turkiga iyadoo soo xiganaysa bayaan kasoo baxay aqalka cad ee Maraykanka waxay sheegtay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khadka telfoonka kala hadlay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan isla markaana ay isla soo qaadeen qaababka ay labada dal isaga kaashan karaan la dagaallanka iyo soo afjaridda cudurka dunida saameeyey ee Corona Virus.

Kulankooda dhinaca telfoonka oo qaatay mudo dheer waxay sidoo kale kaga wada hadleen in cudurkani uu hoos u dhac dhaqaale ku keenay dunida oo dhan isla markaana ay muhiim tahay inay ka wada shaqeeyaan tallaabooyin lagu soo noolaynayo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaalaha adduunka gaar ahaan labada dal ee Maraykanka iyo Turkiga.

 

 

Leave a Reply