Wasaaradda Deegaanka oo Seere ka Hirgalisay Gobolka Sool

0
731

Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo Seere ka xidhay Dooxada Cashuura ee degmada Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool Jaamac Maxamuud Xaaji Saalax, oo sheegay in goobtaas laga xidhay Seeraha hore loo qorsheeyey isla markaana loogu talo galay sidii loo kala saari lahaa dhul daaqsimeedka xoolaha iyo maaraynta deegaanka.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay xubno isugu jiray cuqaal iyo Odayaal ku hadlayey Afka deegaanka oo sheegay inay aad u soo dhaweynayaan Seeraha laga hirgaliyey deegaankooda isla markaana uu ahaa seere xiliyeedyadii jiri jiray, iyagoo ballanqaaday inay doorkooda ka qaadan doonaan wixii looga baahdo ee la xidhiidha Seerahaas.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay saraakiisha ciidamada ee gobolka Sool iyo guddoomiyaha gobolkaas C/qani Maxamuud Jeedhe, oo ballanqaaday inay fulin doonaan wixii waajibaad ah ee kala gudboon hirgalinta Seerahaas, iyagoo dadka deegaankana kula dardaarmay inay hawshaas doorkooda ka qaataan sidii uu seerahaasi u hirgali lahaa.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga C/naasir Axmed Xirsi, oo sheegay inay Seeraha Dooxada Cashuura ee degmada Yagoori iyo Seeraha Bancawl ee gobolka Togdheer ay labada maalgalinayso xukuumadda Somaliland, isla markaana ay yihiin seerayaashii ugu horeeyey ee ay dawladdu maalgaliso wuxuuna intaas ku daray inay ka mid yihiin dhawr iyo labaatan seere oo guud ahaan dalka oo dhan ah.

Leave a Reply