“Muqdisho Waxa ku dhintay 500 oo qof” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

0
815

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa sheegay in tirada dadka sida caadiga ah ugu dhimanaya magaalada Muqdisho ay kor u kacdey.

Cumar Filish ayaa sheegay in Raysalwasaaraha Soomaaliya uu dalbadey in la diiwaan geliyo dadka dhimanaya si loo ogaado in xaaladdu aysan caadi ahayn.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka ay ka diiwaan geliyaan qubuuraha, maadaama dadka intiisa badan ay ku dhimanayaan guryahooda, taas oo ay bilaabeen 19 bishii Abril, tan iyo mudadaas ayuu sheegay in ay diiwaan geliyeen dad ku dhaw 500 oo qof.

Waxaa la aaminsan yahay dad badan in ay Muqdisho ugu dhinteen cudurka COVID-19 kuwaas oo aan wax baadhitaan ah lagu sameyn.

Diiwaangelinta cusub ee ka dhacaysa isla qubuuraha ayeysan jirin cabir kale ama tiro kale oo loo barbar dhigi karo maadaama aan horey diiwaan gelin loo sameyn jirin.

hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xilli wasiirka warfaafinta Soomaaliya in qofkasta oo Soomaaliya ku dhinta uu u dhintay Coronavirus.

 

Leave a Reply