France iyo Maraykanka oo isku heysta Daawada Covid19 ee aan weli lasoo saarin!

0
493

Dowladda France ayaa maanta oo Khamiis ah digniin u dirtay shirkada weyn ee Sanofi oo soo saarta daawooyinka middaasi oo hada dooneysa inay soo saarto Talaalka looga hortagayo cudurka Covid19.

Baadhitaanka shirkadan wado ayaa waxaa maalgeliyey markii ugu horeysay dowladda Maraykanka, waxayna shirkadaasi sheegtay in hadii ay ku guuleysato daawadaasi ay marka hore ka iibin doonto Waddanka Maraykanka.

Arrintan ayey hada kasoo horjeesteen qaar kamid ah dowladdaha ugu waaweyn ee Caalamka, waxaana kamid ah dowlada France oo sheegtay inaan la aqbali karin in Maraykanka kaliya laga iibiyo daawadan aan weli lasoo saarin.

Xiisadan ayaa ka dhalatay hadal kasoo baxay Madaxa Shirkada Sanofi, Mr.Paul Hudson oo sheegay in dowladda Maraykanka oo shirkadooda maalgelisay ay noqon doonto dowladda ugu horeysa oo ay siiyaan daawadan hadii ay ku guuleystaan baadhitaanka ay hada wadaan.

In ka badan Madaxda 140 waddan iyo dhakhaatiirta caalamka ayaa ugu baaqay shirkadaha Daawooyinka soo saara hadii la helo daawadan in si siman loogu qeybiyo dalalka Caalamka oo dhan.

Leave a Reply