Dunida Iyo Boqoradii Gumaadka

0
639

Joseph Stalin waxa ku dhashay magaalada Ioseb Besarionis sanadkii 1878 bishii Decemeber 18. Waxa uu ah raggii dhaliyay kacaankii shuuciga ee Leenin hogaaminayay sanadkii 1917.

 

Waa uu madaxweynihii Sofiyeetkii burburay noqday 1922, (Ruushka maanta) markii uu dhintay hogaamiyihii kacaankii Shuuciga ha ee Ruushka Valadimir Lenin. kuwaasi oo aan xukunka ku iman doorasho shacab laakiin afgembi kaga qaaday boqorkii xukumayay.

 

Jesph Stalin waxa lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa madaxdii shacbigooda xasuuqay.

Mudadii uu xukunka hayayna waxa lagu qiyaasay tirada dadka uu gumaaday 20 malayan oo qof.

Stalin waxa kale oo uu dilay dhamaan xubnihii kacaanka la dhaliyay, ka dib markii uu dhintay hogaamiyahoodii Lenin isagoo ka cabsi qabay inay xukunka ka tuuraan.

Dhamaan ragii ay iska soo horjeedeen Stalin waxa ay noqdeen kuwo dhintay iyo kuwo ka baxsaday ugaadhsiga kooxihii Cheka oo u qalabeysnaa isla markaasina u diyaarsanaa khaarijinta dhamaan dadka ka soo horjeeday hogaamiyaha . Dhiig badan ayuu u qubay sidii uu kursiga ugu fara adaygi lahaa.

Xisbigii Hantiwadaaga ahaana waxa uu galay gacanta  qof qudha, waxaana afka ciida loo daray dhamaan nidaamka cadaaladda iyo maxkamadaha.

Laga soo bilaabo sanadkii 1929-kii ilaa 1953-kii oo ah muddo ku dhow rubuc qarni ayuu Stalin lug, gacan iyo maskax isugu geeyey sidii ay taladu isaga ula joogi lahayd , waxaana intaa dheer inuu wakhti badan geliyey sidii Midowgii Soofiyeeti uu u noqon lahaa awood laga baqo. Keligii taliyahan aan naxariista laga dareemin  waxa uu sabab u noqday dhimashada in ka badan 30 Milyan oo dadkiisa ka mid ah. Waxa kale oo la sheegay inuu dilay gabadhiisa oo sumeeyay ka dib markii ay hogaamintiisa saluug badan ka muujisay madaama iyada laftigeedu ay ka mid ahayd xisbiga shuuciga xubnihii ugu firfircoona.

Stalin waxa uu dhintay sanadkii 1953, waxaana ka furmay dhiig bax maskaxda ah iyadoo ilaalidiisa ay gurigiisa isagoo sakaarad ah ugu galeen, waxaana lagu daweeyay, laakiin waxay ahayd maalmihii uu dunida maca salaameeyay.  Waxa jiray wakhtigaasi Mosko dad aad uga xuma dhimashadiisa iyo dada badan oo kale oo aad ugu farxay dhimashadiisa.

 

Leave a Reply