Daranyada iyo Silica Isu-bahaystay walaalaheena Dhimirka wax ka Qabba

0
565

Daranyada iyo Silica Isu-bahaystay walaalaheena Dhimirka wax ka Qabba

Qalinka : Cabdillaahi Xasan Budul

Hargeysa (Dawan) Dadka qabba xannuunka dhimirka oo tiradoodu kordhayso, gaar ahaan caasimada Hargeysa ayaa dadka qabba xannuunka waalida ay sanadahan u danbeeyay aad u sii kordhaysa.

Waxaa suuqyaada gudaha magaalada Hargeysa aad ku arkaysaa oo meheradaha iyo waddooyinka agagaarkooda gaaf warewgaya.

Dadkaas oo u badan ragg gaar ahaan ha ha u sii badnaadeen dhalinyaro ayaa ku daranyoonaya kulaylka, dhaxanta iyo dabaylaha wakhtiga aan daryeel helin ayaa xarumaha dabiibka dadka dhimirka qabba ayaa inta badani u furan yihiin ganacsi, isla-markaana ku hawl-galin aqoontii loo baahnaa ee dabiibka dadkaasi, marka laga reebo Cilaajyo muhiim ah oo iyagu sidii loo baahnaa u dabiiba dadka loo keeno.

Dadka xannuunadaasi maskaxda ee dhimirka qaba ayaa waxa la geeyaa xarunta dhimirka ee Cisbitaalka Guud iyo Cilaajyada gaarka loo leeyahay oo ay qoysaskoodu geeyaan, balse waxa jira dad badan oo aan iyaga cidi daba socon oo xannuunsanaya oo dhex wareega milicda iyo dhaxanta.

Kuwaas oo u baahan daryeel Caafimaad ayaan helin in loo fidiyo daryeel iyo xanaanayn, sidoo kale waxa jira oo barigii hore aad u yaraa dumarka qaba xannuunkaasi dhimirka oo iyaga aad arkaysid wakhti xaadirkan iyaga oo daranyaysan dhex saqaafaya suuqyada.

Xukuumada Somaliland ayaa looga baahan yahay in ay dejiso gaar ahaan Wasaarada Caafimaadku qorshaha la xidhiidha sidii wax loogu qaban lahaa walaalaheena ku dhex dhibaatoonaya dalka dhexdiisa ee la nool xannuunka dhimirka.

Waxa loo baahan yahay in caruurta wax loo sheego sababta oo ah caruurtu marka wax wanaagsan loo sheego way qaataan, oo lagu barraarujiyo in aanay shiidin ama dhagaxaan la dhicin dadka xannuunka dhimrka qaba.

Waxa muhiim ah in il naxariiseed lagu eego dadkaasi oo dadwaynaha iyi dadka meheradaha ay ka ag dhow yihiin aanay hadalo xun ku odhanin wixii ay siin karaana u qabtaan.

Waa dadkeeni oo ILLAAHAY xannuunkaasi u keenay yaan lagu nicin ee sidii loo gar-gaari karo in wax loogu qabto.

Hadaba ka xukuumadda ahaan waa in la sameeyo dhawr xarumood oo hoos yimaada wasaaradda caafimaadka oo dadka aanay cidi daba socon ee loo keeno qaabila una fidiya daryeel caafimaad iyo waxyaabaha caafimaadkiisa lagula tacaalayo, madaama Cilaajyada gaarka loo leeyahay la geeyo kuwa dadkiisu wadaan.

Ugu danbayn dadkaas oo marba marka ka danbaysa tiradoodu sii kordhayso waa in qorshe wax lagaga qabanayo caafimaad darradaasi haysta laga yeesho.

Daranyada iyo Silica Isu-bahaystay walaalaheena Dhimirka wax ka Qabba

Leave a Reply